Dhageyso:Suldaanka Beesha Mareexaan Ee Deegaanada Dhoobey Oo Qaadacay Shirka Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM: Xili Madaxwaynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Uu 16-kii Bishaan Furay Shir lagu sheegay Dib uheshiisiinta Gobolada Jubooyinka islamarkaana Loogu Talagalay in la isugu Keeno Dhamaan Beelaha Daga
Gobolada Jubooyinka Ayaa waxaa Ay Cabasho Kala duwan Ka soo Yeeraysaa Beelaha Daga Goboladaasi Qaarkood Kuwaas Oo Ka Cabanaya Qaabka uu usoconayo Shirkaasi.

Suldaan Kaahiye Suldaan yuusuf Suldaan Cabdi Oo Ah Suldaanka Beesha Mareexaan ee deegaanada Dhoobeey ee dagta inta u dhexeysa deeganada Jamaama, Komsuma ,Jililb, Bu,aale iyo Saakow ayaa waxaa uu sheegay in aan waxba laga siin ergoyinka ka qayb qadan lahaa Shirweynaha Dib u heshisinta Gobolada jubboyinka.

Suldaanka Ayaa waxaa uu sheegay in Aan Lala wadaagin Qaabkii Loo Furay Shirkaasi iyo Ergadii Ka Qayb Gashay Wuxuuna Ugu Baaqay Beesha Caalamka iyo Dowlada Fadraalka Ah Ee Somaliya in Arintasi il Gaara Lagu Eego.

Isku soo wada duuboo cabashada kasoo yeeraysa dhamaan beelaha daga Jubbooyinka ayaan ahayn mid ku cusub dhagaha ummada Soomaaliyeed balse waxa ay noqotay wax caado iyo dhaqan ka noqday gobolada Jubbooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com