XOG:Khilaafka Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Raisul Wasaare Abdiweli oo gaaray meeshii ugu xumeyd! Miyey sii wada shaqeyn karaan labada Masuul? Maxaana u saldhig ah…

0

Madaxweynaha DF Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mohamud iyo Raisul Wasaaraha DF Soomaaliya Dr Abdiweli Sheikh Ahmed ayaa la sheegayaa inuu khilaafkoodu gaaray meeshii ugu xumeyd kadib markii golaha Wasiirada Soomaaliya  oo uu shir gudoominayay ay Xilka ka qaadeen Agaasimaha Hay’adaha Nabadsugida Soomaaliya Mr Abdullahi Sanbaloolshe oo ahaa nin aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo aan lala socodsiin Madaxweynaha arimaha sababay xil ka qaadista Agaasimaha Nabadsugida.

Maxaa saldhig u ah Khilaafka (Qodobada Dastuurka oo labadaba awood siinaya)

Qoraalka hoose waxaad ka arki karaysaan qodobada ka hadlaya Awooda Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Awooda golaha Wasiirada, Waxaan qodob kasta hoos idinku muujin doonaa firqooyinka ku jira awoodaha masuuliyiinta Dawladda, arintaas oo ah sababta ay mar kasta usoo lab laabato in Madaxweynaha iyo Raisul wasaaruhu is Khilaafaan isaga oo masuul kasta sheeganayo inuu dastuurka ku taagan yahay.

Qodobka 90aad: Xilka iyo Awodaha Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka ee Soomaaliya ee Dastuurka ku qoran waxaa ka mid ah:

 (b) Waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida. (Firqada B waxay muujinaysaa in Madaxweynuhu yahay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida taas oo ka dhigaysa sharciyan sida ay u shaqeeyaan caalamku ama uu yahay sharciga Ciidamada ee dastuurkii 1960-kii in Madaxweynuhu awood u leeyahay magacaabida taliyayaasha la shaqeyn kara oo uu ku aamini karayo Taliyayaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida)
(c) Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu,. (Firqada c waxay muujinaysaa in Madaxweynuhu kaliya Magacaabi karo ama xilka ka qaadi karo kaliya Taliyayaasha Ciidamada guud ee  heer Federaal marka ay soo jeediyaan Golaha Wasiiradda, Firqadaan ayaa ka hor imaanaysa sharciyan iyo awood ahaan firqada B ee sheegaysa in madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka sida)
(k) Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu. (Firqada K waxay muujinaysaa in Madaxweynuhu kaliya uuba jagooyinka iyo Madaxda Hayadaha Dawladda Federaalka  magacaabi karo kaliya marka uu soo jeediyo golaha wasiiradda)
(l) Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo. (Firqada I waxay muujinaysaa in Madaxweynuhu kaliya uuba magacaabi karo Safiir iyo Qunsilayadaha guud kadib marka uu soo jeediyo golaha wasiiradda)

Qodobka 99aad: Xilalka Golaha Wasiirrada ee Dastuurka ku qoran.

 (a) Dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda ( Firqada A ee awooda Golaha wasiiradda waxay sheegaysaa in siyaasadda guud ee xukuumadda iyo dhaqangelinteedaba inay leeyihiin Golaha Wasiirada)
 (g) Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda; (Firqada G waxay muujinaysaa in Magacaabida iyo Xil ka qaadista Saraakiisha sare ee Dawladda dhamaan inay leeyihiin golaha wasiiradda)

Fiqradaha kore oo ku qoran Dastuurka Federaalka oo siinaya Madaxweynaha inuu yahay “Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka”  sida iyo firqadaha ku jira awoodaha  Golaha Wasiiraddaba taasoo ah  “Magacaabida iyo xil ka qaadista Saraakiisha sare ee Dawladda oo ay kamid yihiin taliyayaasha ciidamada” ayaa ah waxyaabaha saldhiga u ah khilaafyada soo noqnoqda ee markasta ka dhex dilaaca Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha Soomaaliya.

Dastuurka Soomaaliya oo diyaarintiisa inta badan lagala tashanayey Saxiixayaashii Road Mab-ka iyo qubaro ay magacaawdeen ayaa ah gebi ahaan mid isku qasan oo u baahan sixitaan badan, dastuurka diyaarintiisa ayaa waxaa galangal fiican ku lahaa siyaasiyiin daneynayey in Madaxweynaha awood yeesho, Siyaasiyiin daneynayay in Golaha wasiiradda oo uu Raisul wasaaruhu shir gudoomiyo ay awoodda dawladda yeeshaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ee uu gudoomiyaha u yahay Prof Jawaari ayaan xil iska saarin inay saxaan waxyaabaha inta badan keena khilaafyada inta badan dhex mara Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha Soomaaliya, Khilaafyadaas oo ah kuwo sumcad xumo u keena dawladnimada Soomaaliya.

Isku soo duube khilaafka Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha ayaa la sheegayaa inuu gaaray heer uu dhamaaday is aaminkii ka dhaxeeyay labada masuul kadib markii madaxweynuhu u arkay in RW Abdiweli uu doonayo inuu baalasha ka rifo madaxweynaha, Saraakiisha iyo Wasiiradda ku xiran madaxweynahana uu dhamaan xilalka ka qaado, sidoo kalana Raisul Wasaare Abdiweli oo qibrad ka qaatay wixii ku dhacay Raisul wasaarihii ka horeeyay Dr Saacid ayaa iska ilaalinaya in Golaha wasiiradda iyo Saraakiisha sare ee dawladda kamid noqdaan Masuuliyiin ku xiran Madaxweynaha, masuuliyiintaas oo aan la shaqeynin xukuumadda markii uu doono Madaxweynuhu inuu bedelo Raisul Wasaaraha-na ay ka hor yimaadaan xubnaha golahiisa wasiiradda sidoo kalana loo isticmaalo Raisul wasaaraha Taliyayaasha ciidamada qalabka sida eek ala duwan.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha ayaa maraya heer aysan dib u wada shaqeyn karin labada masuul, taas oo qasbaysa in midkood meesha ka baxo si sharci ah ama labada masuul midkood go’aansado inuu is casilo si uu u badbaadiyo qaranimada Soomaaliya. Arintaan ah in midkood labada masuul meesha ka baxo ayaan xalin doonin khilaafyada joogtada noqday oo markasta ka dhex dilaaca  Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raisul wasaaraha hadii aan si dhab ah loo sixin dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgadud Media

allgalgaduud@gmail.com