Tallaabo ma Qaadi karto, Adiguna Tallaabo ma Qaadi karto! W/Q. Cabdirashiid Muuse Siciid

0

Intii lagu guda jiray Shir-madaxeedkii waddamada Afrika iyo Maraykanka ee horraantii bishii hore ee August ka qabsoomay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, Wasaaradda Betroolka iyo Macdanta ee DFS waxay ku luglahayd wadahadalo ay la yeelanaysay Madax sare oo ka socotay Dawladda Maraykanka iyo wakiilo kale oo metelayey shirkadihii waaweynaa ee qandaraasyada shidaal-baarista ka haystay Soomaaliya ka hor inta aanay dhicin Dowladdii Maxamed Siyaad.Wadahadaladaasi waxay ahaayeen kuwo natiijo fiican leh oo asaas u noqon kara inay qaabeeyaan mustaqbalka shidaalka Soomaaliya, iyagoo saamayn ku yeelan kara siyaasadda Maraykanka iyo tan gudaha ee Soomalaiya.

Dawladda Maraykanku waxay dooneysaa inay shiinaha ka hor istaagto soo-gelitaanka waddanka khayraadka dabiiciga ah hodonka ku ah ee Soomalaiya, isla-markaasina ku yaalla barta istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika oo la rumaysan yahay in uu noqon doono albaabka laga galo qaaradda Afrika iyo buundada ama biriijka isku-xira waddamada Asia iyo dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.Dhulkaasi ay Soomaaliya ku taallo oo ay maraan marino badeed, waxaa isha ku haya Maraykanka iyo Shiinaha.

Washington waxay mar hore meesha ka saartay siyaasaddii labada gees (Dual Track) oo ay kula macaamili jirtay DFS iyo Maamulada Gobolada, waxana ay aqoonsatay Dawladda sharciga ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho oo wakiil ka ah dalka oo dhan.Tallaabadani kuma faraxsanayn Maamulada Goboladu, waxana ay u arkayeen in ay wiiqayso awoodda ay horey u haysteen iyo sida ay ula macaamili jireen Dawladda ugu weyn adduunka, sidoo kale waxay ka cabsi qabeen in tallaabadani horseedi karto in dalalka kale iyo ururo caalami ah ay ku daydaan oo tubtan qaadaan.

DFS waxay awooddeeda ku baahinaysa gobolada dalka, waxana la dhisayaa Maamul Goboleedyo ka hanaqaadi doona Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyadoo xitaa Maamulo ka soo bixi karaan dhul ay markii hore sheegan jireen Maamulo isu arka inay ka horreeyeen nidaamka Federaalka ama ay dalka ka go’een.Waxaa suuragal ah in arrintan ay dalka khilaaf dhaxalsiiso ama xitaa uu dagaal ka dhici karo dhulka ay ka soo baxayaan Maamuladaasi, laakiin ugu danbaynta khilaafkaasi laguma jiri doono waqti dheer ee waxay arrintu isugu biya-shubanaysaa in la wada oggolaado awoodaha uu bixinayo Dastuurka Federaalka.Ma jiri doonto Dawlad Dhexe iyo Maamul Goboleed isku awood ah iyo Maamul Goboleed mid kale ka awood badan, waxana dhammaan lagu wada dhaqmayaa heshiish bulsho oo dastuuri ah oo dadka si siman wax ugu qaybinaya.

Arrinta Maaraynta Khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, ma jirto cid keligeed go’aamin karta ha ahaato Maamulada Gobolada oo galay heshiishyada sharci-darrada ah ama Dawladda Dhexe oo aan samayn Shuruucdii hagi lahayd arrintan oo ay tahay inay gacan ku yeeshaan  Maamul Goboleedyada dalka sida uu farayo Dastuurka Federaaliga ah ee Soomaaliya.DFS waxay leedahay awood weyn marka ay timaado arrimahan iyo kuwo kale, maadaama adduunku iyada la macaamilayo ama loo aqoonsan yahay Dawladda metesha Soomaaliya oo dhan, mana jirto wax adduunku u yaqaan laba Soomaaliya ama Saddex Soomaaliya.

Awoodda Dawladda Dhexe waxaa laga akhrisan doonaa sida ay uga jawaabaan shirkadaha yar yar eeMaamul Goboleedyada heshiishka kula galay  dhulka xilli hore ay dawladdii Maxamed Siyaad ruqsadda u siisay inay shidaal ka baaraan shirkadahaha waaweyn ee haatan doodan soo galay, maadaama ay dalka kaga baxeen khatar amni oo soo waajahday ee aanay jirin sabab kale (Force Majeure).Arrinta tijaabada kowaad ah waa shirkadda laga leeyahay Norway ee DNO oo hubeyneysa cutubyo ka tirsan ciidanka Somaliland si ay u ilaaliyaan hawlaha shidaalka lagaga baarayo dhulka gobolka Sool oo uu ku taagan yahay khilaaf loo arko in arrintani ay dab ku sii shidi karto. Arrintan waxay saamaynaysaa dhammaan shirkadaha yar yar ee heshiishyada ka haysta Maamulada Puntland iyo Somaliland oo u shaqeeya qaab madax bannaan, laakiin hadda iyo wixii ka danbeeya ay soo waajihi doonto caqabado wiiqaya awoodooda iyo habka ay u shaqeeyaan.

Ugu danbayntii, waxaan rajaynayaa in arrintani ku dhammaato si waafaqsan dastuurka dalka iyo dawladnimada Soomaaliya, isla-markaasina cid walba qaadato awoodda ay leedahay si loo yareeyo siku-dhac ku yimaada DFS iyo Maamulada Gobolada.Marka la eego DFS iyo Maamul Goboleedyada, labada qoloba waxay leeyihiin laba awoodeed oo is weydaarsan; tan kowaad, Dawladda dhexe waxay leedahay sharciyad ay dalka ku metelayso magaca Dawladda Soomaaliya, Maamulada Goboladuna waxay leeyihiin awood ah inay maamulaan dhulka shidaalka ee laga hadlayo.Waxaa loo baahan yahay in labadaa arrimood inta la is waafajiyo laga soo saaro wax dan u ah dadka Soomaaliyeed oo dhan ee aan waqti iyo khilaaf aan macno lahayn lagu dhammayn wax aan dadka Soomaaliyeed waxba dhaxalsiin doonin.

Halkan ka akhri War-saxaafadeedkii ay Wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Dawladda Federaalka Soomaaliya ka soo saartay wadahadaladii ay la yeelatay saraakiisha Maraykanka ah iyo shirkadihii shidaalka intii lagu guda jiray shir-madaxeedkii dalalka Afrika iyo Maraykanka.

http://d383x9er2dcb4o.cloudfront.net/wp-content/uploads/2014/09/Press-release-Somalia.pdf

 Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax bannaan
Email: abrashidmuse@gmail.com
Twitter:@AbdirashidMuse

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Twitter:@AbdirashidMuse