DHAGEYSO:- Jawaari oo cadeeyay Mowqifka ugu dambeeya DF ee K/galbeed

0

Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa sheegay in Magaalada Baydhabo ay ka furi doonaan shir wada tashi ah oo lagu dhamaynayo khilaafka Maamul u samaynta Koonfurta Dalka.

Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa meesha ka saaray Inuuk magaalada Baydhabo u joogo dhismaha maamulka seddexda gobal ka kooban.

Shacabka ayuu ka dalbaday inay isdajiyaan oo ay ka qeyb qaataan wada hadal ka dhac magaalada Baydhabo.

Wuxuu intaas hadalkiisa Jawaari ku daray in bishan gudaheeda uu magaalada Baydhabo ka furi doono shir wada hadal ah oo dhinacyadaasi iyo odayaasha dhaqanka ay isugu imaanayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com