Dhageyso: Fu’aad Shongole oo banaanka isa soo dhigay iyo war yaab leh oo uu ka dhawaajiyay

0
Muqdisho, AGGM: Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shongole), Madaxa Dacwada ee Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu ku goodiyay inay u aargudi doonaan Amiirkoodii Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), oo Shabaabka dhexdiisa looga yeeri jiray Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr).

 Fu’aad Maxamed Khalaf, ayaa fariin u diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Barack Hussein Obama iyo dadkiisa, isagoo markaasi ugu goodinaaya in dad badan ay u dili doonaan dilkii Axmed Cabdi Aw Maxamed, uu Mareykanku u geystay toddobaadkii hore.

“Waxaan u sheegeynaa Obama, isaga iyo inta uu hogaamiyo dilka Abuu Zubeyr uu dilay waxaa ka dambeen doonto dil badan, oo Mareykan uu dhiman doono.” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf.

Sidoo kale waxa uu tibaaxay in ay iyagu yihiin dad wixii ay ku hadlaan fuliya, isla-markaana uu Alle barakeeyo hadalkoodu, sida uu hadalka u dhigay.

“Anaga dad baanu nahay hadal baan niraahnaa, hadalkayagana Allaa barakeeyo wuu fullaa.” ayuu yiri Madaxa Dacwada ee Ururka Al Shabaab.

“Insha’Allaahu ma dayacmaayo dhiiggaa isaga ah, rag baa fa’rigaa daba taagan.” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Shongole, wuxuu kaloo yiri “Anagu aabayaalkayaga geesiyaal bay ahaayeen.” 

Sheekh Shongole, ayaa tiriyay gabay uu ku weeraraayo Madaxweynaha Mareykanka, isagoo markaasi ku sifeynaaya in uu yahay hogaamiye fuley ah, waa sida uu yiri.

Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaa baahisay codka Ina Shongole, iyagoona ku sheegay khudbad dheer oo uu kaga hadlaayay dilkii Ina Godane.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com