Dhageyso: Xildhibaan Dalxa “Dhibaatooyinka Ka Jira Gobolka Shabeellaha Hoose Dowladda Ayaa Ka Dambeeysa”.

0

Muqdisho, AGGM:Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Gaar ahaan Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlaya dhibaatooyinka ka jira deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose

Waxa uu sheegay dhibaatada ka jirtay Gobolka Shabeelaha Hoose inay ka dambeeyan ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.waxa uuna intaasi ku daray in Ciidamadaasi ay Gobolka ka geystaan dhibaatooyin fara badan.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in Dowlada ay kala hadleen balse waxa uu tilmaamay in Arrintaasi aan waxbo laga qaban oo weli ay sii socdaan dhibaatooyinka loo geysanayo Shacabka Gobolkaasi ku dhaqan.

Waxa uu mar labaad Xildhibaan Dalxa ugu baaqay Madaxda Dowlada in wax laga qabto Arrinta Gobolka Shabeelaha Hoose loona baahan yahay in loo turo shacabka Gobolkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com