TOP NEWS:- Wasiiro iyo Xubno ka tirsan Dowlada Federaalka oo gaaray Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM: Warka ka imaanaya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in halkaasi ay gaaren Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia.

Wasiirada Kismaayo gaaray ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada, kuwaasi oo Kismaayo u gaaray ka qeybgalka Shirka Dib u heshiisiinta halkaasi ka furmi doona, wallow wararka qaar ay sheegayaan inaysan sugi doonin shirkaasi oo ay ka hor kusoo laaban doonaan Magaalada Muqdisho.

Socdaalka Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa kusoo aadeysa xilli uu wanaagsanaaday Xiriirkii ka dhaxeeyay DF iyo Maamulka Jubba.

Wax Faah-Faahin ah kama soo bixin Ujeedka socdaalka Wasiirada gaaray Kismaayo.

Dib ayan idinkugu soo gudbin doona wixii faah-faahin ah wararkeena dambe

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com