Madaxweyne Gaas oo Digreeto ku magacaabay Madaxa Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Puntland

0

Garoowe, AGGM: Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali gaas ayaa markii ugu horaysay Magacaabay Madaxa Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Puntland, waxaana Digreeto lagu magacaabay C/rashiid Cali Axmed ay Xafiiska Madaxweynaha kasoo baxday 20-kii bishaan August 2014.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa Digreetada ku sheegay inuu Madaxa Socdaalka Magacaabay ka dib markuu talo u soo jeediyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland iyo arrimo kale oo hadda taagan.

Warqadda warbaahinta loo qaybiyey ee magacaabista Madaxa Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa sidaan u qornayd:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu Arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland.

Markuu Tixgaliyey: Aqoontiisa iyo waaya aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa C/rashiid Cali Axmed loo magacaabay Madaxa Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland.

2.Xeerkaani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

Dr C/weli Maxamed Cali Gaas
Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com