Top News: Dowlada Mareykanka oo walaac ka muujisay Habacsanaanta Ciidamada Africa iyo Awoodaha Alqaacida

0

Jabuuti, AGGM: Sarreeye Gaas Wayne W. Grigsby oo ka tirsan Taliska Ciiddamadda Maraykanka ee ku sugan Geeska Afrika oo dhawaan booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho ayaa bogaadiyey khibradda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

“Waxaan la safray Jeneral Muhwezi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciiddanka Uganda ee booqashadda ku tegay magaalladda Muqdisho, waxaan dareemay khibradda ciiddmadaasi ee dhinaca ammaanka, wuxuuna ugu hambalyeeyey hawsha ay ka hayaan Somalia.Sarreeye Gaas Wayne W.
Grigsby waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay booqday Kulliyadda Ciiddanka ee Kimaka ee dalka Uganda, halkaasi oo uu ka jeediyey casharro la xiriiray Hoggaaminta iyo khibradda ciiddanimo.
Sarkaalkaasi oo ka tirsan Hawlgalka La-dagaalanka Argagixisadda ee Qaaradda Afrika ayaa kula taliyey Dowladdaha Afrikaanka inay had iyo jeer iska kaashadaan sidii ay uga hortegi lahaayeen Kooxaha Mukhaawamadda ee dagaalladda ka wada qeybo ka mid ah Qaaradda Afrika.
Waxa uu carrabka ku dhuftay in dagaalladda ka socda Afrika si fudud loo soo afjari karo, haddii ay Ciiddamadda Dowladaha u midoobaan La-dagaalanka Kooxaha ku kacsan dawladaha.Sarkaalka waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladdda Maraykanka taageero ka geysanayo Deganaanshaha dalka Afrika, si ay Muwaadiniintooda ugu naalloodaan macaanka nabadda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com