Dhageyso: Ciidamada Dowladda Iyo Al Shabaab Oo Isku Farasaaray Deegaano Katirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

0

Marka, AGGM: Weerar isku badalay Dagaal ayaa waxa uu ka dhacay Deegaano katirsan Gobolka Shabellaha Hoose waxaana soo baxaya warar sheegaya in Saraakiil lagu dilay Dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey markii ciidanka Dawlada Somaliya ay weerar ku qaadeen Meelo la sheegay inay soo galeen Al Shabaab oo sidaasi lagu dilay saraakiil Al Shabaab ah.

Waxa uu dagaalka ka dhacay Deegaanada Mubaarak iyo Janaale waxaana Saraakiisha Ciidanka Dawlada Somaliya ay guulo ka sheegteen dagaalkaasi iyagoo tilmaamay in sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab inay dileen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Dagaal ciidanka dawlada iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaraan Deegaano katirsan Gobolka Shabellaha Hoose,mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al Shabaab ay uga hadlayaan Sargaalka dawladu sheegtay inay ka dileen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com