Dadkii Dilay Wariye Timacade oo la xukumay

0

Muqdisho, AGGM: Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta ku xukuntay laba dhagar qabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Argagaxisada Al  Shabaab  oo ka dambeeyay dilal loo geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Allaha u wada naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Timacade, iyo Cawil Xasan Maxamuud oo ka mid ahaa Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka  Qaranka iyo Aabo Dhalay dhagar qabe shalay maxkamadda ay ku xukuntay xukun dil ah oo ka mid ahaa Al Shabaab

labadnai dhagar qabe oo lagu helay ka mid noqoshada  Kooxda Al Shabaab iyo dilka labadaasi marxuum  ayaa qirtay dilka Allaha unaxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Timacade oo ka mid ahaa wariyeyaasha magaalada Muqdisho islamarkaana u shaqeynayay Tv-ga Universal  oo  lagu dilay degmada Wada jir ee gobolka Banaadir iyo dilka marxuum  Cawil Xasan Maxamuud  oo ka mid ahaa Hey’adda Nabad sugida Qaranka

Cusmaan Cali Maalin oo ah aabaha  dhalay dhagar qabe shalay maxkamada darajada koowaad ay ku xukuntay xukun dil ah oo ay ku cadaatay ka mid noqoshada Al Shabaab iyo dil uu u geystay mid ka mid  ah ciidanka nabad galyada wadooyinka  ayaa maxkamadu waxay ku xukuntay lix bilood oo xabsi ciidan ah

Afhayeenka maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida C/laahi Muuse Keyse ayaa ku dhawaaqay xukunka isagoo sheegay in maxkamadda dabagal iyo xaqiijin ay ku sameysay kiiskani iyo qiraal ah ay sameeyeen maleeshiyaadkani ay u cadaatay dambiyada lagu soo eedeeyay in ay galeen islamarkaana maxkamadu ay ku xukuntay xukun dil.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida C/raxmaan Tuuryare ayaa sheegay in marnaba uusan gacanta cadaalada uusan ka baxsaneynin dhagar qaba dilay muwaadin Soomaaliyeed, wuxuuna mar kale digniin uu u diray cidii la shaqeysaa ama guri ka kireysaa argagaxisada ay wajihi doonto ciqaab la mid ah dhagarqabayaasha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com