Top News: Dad dhac geystay oo la baadi goobayo

0

Muqdisho, AGGM: Maamulka degmada Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay wali baadigoob ugu jiraan kooxo hubeysan oo dhac ka geystay deegaano ka tirsan degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Leego Abuukar Cabdulaahi Isaaq ayaa sheegay in kooxaha ay dhac ka geysteen deegaanka maalinimadii shalay, laakiin ay soo badbaadiyeen qaar kamid ah lacagihii ay kaga tageen wadada intii la ceyrsanayay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada maamulka degmada ay kooxahaasi baacsanayeen ilaa shan  {5KM}, sida uu hadalka u dhigay, laakiin aysan suurto gelin inay dadka gacanta kusoo dhigaan.

Al-cadaala ayaa sheegay in saaka ciidamada maamulkooda ay sii wadayaan baadigoobka dadkaasi loogu jiro, haddii ay soo qabtaana ay cadaalada horkeeni doonaan.

Dhanka kale maamulka ayaa ka warbixiyay ciidamo cusub oo AMISOM ah oo halkasi tagay, wuxuuna sheegay inay ahaayeen ciidamo Burundi u dhashay oo batalayay ciidamo kale oo Uganda u dhashay.

 Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com