Arimo Muhiim ahaa oo dhaqaale loo waayay &Dagaal laga baqayo

0

Balanbale, AGGM: Waxaa xiisadii ka taagneyd deegaano ka tirsan degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud laga baqayaa inay halkaasi kusoo laabato kadib markii ay adkaatay in dib u hishiisiin la kala dhex dhigo dhinacyadii ku  dagaalamay gobolkaasi.

Madaxa arimaha bulshada ee degmada Balanbale Rujaal Axmed Maxamed ayaa sheegay in dhaqaalo ay u waayeen qorshe ay wadeen maamulkooda, isagoo sheegtay inaysan jirin cid ku taageertay, sida uu sheegay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mar kastaa laga baqayo inay dagaalo ka dhacaan deegaanada hoostagaya degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud.

Wuxuu ugu baaqay dowlada Soomaaliya inay arimahaasi wax badan ka qabato, maadaama uu sheegay aysan gacan weyn ka geysan ayna ku taageerin dhanka dhaqaalaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com