XOG:- Wasiiro ka mid ah DF oo Kismaayo ku wajahan

0

Kismaayo, AGGM: Warar ay si hoose u heshay Shabakada ALLGALGADUUD.COM ayaa waxay sheegayaan in magaalada Kismaayo ay ku wajahanyihiin xubno ka mid ah wasiirada DF.

Xubnahaan wasiirada waxaa ka mid ah wasiirka Maaliyadda waxaana laga yaabaa in magaaladaasi maantaba ay gaaraan sida aynu xog muhiim ah ku helnay.

Wasiiradaan ayaa uljeedkooda ah in kulamo ay lasoo qaataan horjoogaha maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe, waxyaabaha laga wada hadli doona waxaa ka mid ah shirka dhawaan Kismaayo ka furmi doona.

Wararka ayaa dhanka kale sheegaaya in sidoo kale qorshaha halkaasi ay u tagaayaan ayaa waxaa ka mid ah sidii ciidamada DF ee banaanka magaalada jira loo soo celin lahaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com