Xog: R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed “Shirka Beesha Sade Ee Ka Dhacaya Garbahaarey Waa In Axmed Madoobe Ka Qaybgalaa Oo Uu Goobjooge Ka Noqdaa”.

0

Muqdisho,AGGM: Ilo wareedyadeena ku sugan xafiiska R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed uu dagaal ba’an kula jiro beesha Sade.

Xubin ka mid ah shaqaalaha xafiiska R/wasaare Cabdiwali Sheekh oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in R/wasaare Cabdiwali uu doonayo inuu fashiliyo shirka garabyada beesha Sade ay ku yeelan lahaayeen magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo.

“Walaaloow R/wasaare Cabdiwali waxa uu si cad u sheegay in uu doonayo in shirka beesha Sade ee ka dhacaya magaalada Garbahaarey uu ka qeybgalo Horjoogaha Maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe”.

Ilo wareedkan ayaa sidoo kale waxa uu inoo sheegay “Walaaloow R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ninkii ugu xisaabtamaya in uu yahay nin danta iyo masiirka Sade iyo Soomaali ka shaqeenaya waa nin waalan ama waa nin u dhibaateysan dhanka dhimirka, sababtoo ah beesha Sade waxay goosatay in ay shir ku qabsato magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, R/wasaare Cabdiwali-na waqtigan xaadirka ah ee aan kula hadlayo waxuu ku mashquulsan yahay qaabkii shirkaas uu u fashilmi lahaa isagoo hadda lasoo baxay qorshe yaab leh oouu leeyahay shirka waa in laga qeybgaliyo Axmed Madoobe si uu uga noqdo goobjooge waxa kasoo baxa heshiiska beesha Sade dhexdeeda, taasna ma,ahan wax na qabta oo aan qaadan karno, Beesha Sade Cabdiwali Hortiina Waa Ay Jireen, Markuu Tagana Waa Ay Jireyaan”.

R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed waxa uu ku mashquulsan yahay maalin iyo habeenba kala dilka iyo isku dilka beesha Sade, xafiiskiisana wax kale laguma qabto oo intaas ka badan, mararka qaarkood waxaadba is oranaysaa waa maxay cadaawada ninkan uu u qabo beesha Sade soo kama uu dhalan, maxuu sidan usameenayaa?”

Cabdiwali sheekh Axmed ayaa waxaad moodaa inuu kasii daro mooyee inuusan kasoo reynayn, balse waxaa isweeydiin mudan ninka habdhaqankiisu sidan yahay waxa ay beesha Sade ugu daawanayaan ama u xeerinayaan Siyaasiinta, Ugaasyada iyo Waxgaradka intiisa kale, maxaase diidaya in Beesha Sade ay cadeeyso moowqifkeeda ku aadan Wiilkan haboowsan ee an lahayn wax beesha Sade ka qabta.

Isku soo wada duuboo Soomaalida waxa ay ku maah maahdaa (Waxii Cirka Aadaa Dhulka Ayay Kusoo Laabtaan) taa oo macnaheedu yahay Inna Sheekh Axmed sida hadda muuqata haddii uu ka dhabeeyo inuu si dhab ah usoo shaacbixiyo qorshihiisan guracan, waxaa hubaal ah inuu waxa uu xilka sii hayaa ay noqonayso mudo gaaban, balse Cabdiwali Sheekh waa Cabdiwali Sheekhoo sidiisi ayuu dhaar iyo kitaab isula kala jeexi cidii weeydiisaa qorshiihiisan faashilka ah isagoo orana waxba kama ogi iyo aniga maan oran warkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com