Xog: Madaxweynaha Somaliya oo qorsheynaya in muddo laba sano ah uu xilka ku darsado.

0

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu qorsheynayaa sidii uu muddo kordhin u samaysan lahaa, waqti ka baxsan intii loo doortay tallada dalka.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa la lee yahay waxa uu garowsaday inaanay suurta gal ahayn, in sanadka 2016-ka ay dalka ka dhacdo Doorasho xalaal ah, oo ay dadku ku soo dooranayaan hogaamiyaha ay doonayaan.

Sarkaal ka tirsan Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Madaxweynuhu uu bilaabay, tallaabo uu bulshada caalamka kaga dhaadhicinaayo in laba sano oo dheeraad ah, uu xilka ku darsado.

Sarkaalkaan, ayaa ku waramaaya in Madaxweynuhu uu soo jeedin doono, in uu sii shaqeeyo Baarlamaanka iminka jira ilaa sanadka 2018-ka, iyadoo uu xilliga la dhameysanaayo Dowladdiisa.

Xafiiska Madaxweynaha, ayaa wuxuu diyaarinayaa qorshe cad oo uu beesha caalamka ula hortaggo, waxa ay qabaneyso Dowladdiisa, haddiiba ay suurta gasho in muddo kordhinta laga aqbalo.

Qorshaha lagu diyaarinaayo Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa lagu xariiqi doonaa in billaha soo socdo xoogga lagu saaraayo, sidii gacanta Dowladda loo soo gelin lahaa deegaanada, ay Shabaabku ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

Sidoo kale waxaa lagu sheegi doonaa in sanadka 2015-ka lagu taabo gelin doono dhameystirka Garsoorka iyo Dastuurka, isla-markaana ay dadka Somaliyeed kaalin buuxdo ku lahaan doonaan.

Sanadka xigga ee 2016-ka, ayaa qorshaha la diyaarinaayo lagu xusi doonaa in Dowladdu, ay ka shaqayn doonto horumarada dalka ka jira iyo sidii mashaariicda Dowladda loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan.

Qorshahaan, ayaa sidoo kale waxaa lagu muujin doonaa in Dowladdu ay sanadka 2017-ka ugu diyaar garoobi doonto, nidaamka axsaabta badan, si looga soo saaro tiro yar oo xisbiyo ah oo tartanka Doorashada Madaxtinimada ka qaybgasha. Sanadka 2018-kana loo qabto Doorashada Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dunida u bandhigi doono inaanu isku soo sharaxi doonin tartanka Madaxtinimada ee sanadka 2018-ka, haddii uu caalamku taageero muddo kordhinta labadiisa sano ah.

Lama garanaayo sida ay tani ku aqbali doonaan Siyaasiyiinta Somaliyeed, ee aan la dhacsanayn hanaanka siyaasadeed ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, haddii uu ku adkeysto in uu xilka ku darsanaayo laba sano oo dheeri ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com