Dhageyso:SUUQA BAKAARAHA OO MAALINTII 2AAD XIRAN

0

Muqdisho, AGGM: Maalintii labaad waxaa weli xiran ganacsiga Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Suuqa Bakaaraha, kadib ganacsatada oo gadood ka sameeyay canshuuro kordhin maamulka Gobalka Banaadir uu sameeyay.

Saaka waxaa gabi ahaanba xiran inta badan ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana ganacsatada ay yihiin kuwa hor taag-taagan goobahooda ganacsiga, balse aysan furin.
Qof kamid ah dadka ganacsatada ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho intiisa badan uu saaka xiran yahay, aysana jirin goobo furan, marka laga reebo meelo yar yar oo furan.
Ganacsatada ayaa diidan bixinta canshuuro xad-dhaaf ah oo Maamulka Gobalka kusoo rogay, waxa ayna sheegayaan ganacsatada in dekada Muqdisho ay canshuurta ku bixiyaan, oo aysan awoodin bixinta canshuuro kale.
Shalay ayeey aheyd markii dadka ganacsatada Suuqa Bakaaraha ay dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedaan kordhinta canshuuraha, waxaana xirnaa ganacsiga Suuqa Bakaaraha.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay cabashada kasoo yeertay ganacsatada Suuqa Bakaaraha, ayaa waxa ay sheegtay in dadka ganacsatada ah laga rabo bixinta canshuuraha Dowladda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com