Jarmalka oo dhaqaalo ugu deeqay qaxooti Soomaali ah

0

Muqdisho, AGGM: Dowlada Germany ayaa ugu deeqday qaxootiga Soomaalida ay ku jiraan ee kunool dalka Ethiopia lacag gaareysa 750,000 Euro si loogu taageero dadaalka hayada WFP ay ku caawinayso qaxootiga ku dhaqan dalkaasi.

Hayada cunada adduunka ayaa waxay taageero ay siisaa qaxootiga ku nool dalka Ethiopia kuwaasi oo ka kala tagay dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Sudan kuna nool dalkaasi.
Warsaxaafadeed kasoo baxay safaarada Germany ayaa lagu sheegay in deeqdaasi ay ujeedadooda tahay kor u qaadista taageerada qaxootiga ka cararay dalalka bariga qaarada Africa.
Sida lagu sheegay warsaxaadeedka dalabka caawinta qaxootiga ka tagay bariga Africa ayaa sii kordheysay, kadib markii ay bateen qaxootiga tagaya dalkaasi ee ka tagaya dalalka Somalia, South Sudan iyo Eritrea.
Waxaa jira ku dhawaad 247,000 oo qaxooti ah oo ka tagay dalka koofurta sudan.
113,500 qaxooti ah oo ka tagay dalka Sudan, 245,000 oo ka tagay dalka Somalia iyo 99,000 oo ka tagay Eritrea oo ku sugan Ethiopia.
Dowlada Germany ayaa sheegtay in xiriir dhow ay la leeyihiin dowlada Ethiopia ayna kala shaqeynayaan gargaarka dhanka bini’aadanimada, sida ay sheegtay safaarada Germany ee dalka Ethiopia.
Hadalkaan ayaa imaaday markii dalalka Ethiopia iyo Germany ayaa u dabaal degay 50 sano guuradii kasoo wareegatay xiriirka diblumaasi ee u dhaxeeya labada dowladood.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com