C/qaadir Siidii oo ka hadlay xarig uu u geystay Cismaan Sheekh Cali Buraale

0

Marka, AGGM:Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa wuxuu ka hadlay xariga ka dhanka ah Cismaan Sheekh Cali Buraale, oo sheegtay in uu yahay Gudoomiyaha Degmada Qoryooley. Kaasoo shalay lagu xiray Degmadaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu marka hore sheegay inaanu ninkaan ahayn Gudoomiyaha Degmada Qoryooley, isla-markaana uu Gudoomiyuhu yahay Maxamed Xaaji Cismaan (Gaagaale), oo dadka qaarkii ay u garanayaan (Shig Shigoow).

Wuxuu kaloo sheegay in ninkaan uu sameystay Digreeto been abuur ah, oo uu markaasi isaga dhigaayo in uu yahay Gudoomiyaha Degmada Qoryooley, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in uu sameeyay isku day dil ah, iyadoo uu dhibaatana ku haayo qaar ka mid ah bulshada ku nool Degmadaasi Qoryooley.

C/qaadir Maxamed Nuur oo xilligaan ku sugan Degmada Qoryooley, ayaa dhinaca kale sheegay in Buraale ay isu heyb yihiin, dadna uu maanta isagu ugu xiggo, isla-markaana ay mid meesha ku jirto tahay in sharciga la dhowro.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Buraale ay horkeeni doonaan Maxkamad, isla-markaana uu mari doono wixii go’aan ah ee ay ka qaadato Maxkamada, sida uu hadalka u dhigay.

C/qaadir Siidii, ayaa ku goodiyay in uu tallaabo ka qaadi doono shakhsi kasta oo uu ku helo Digreeto been abuur ah. Sidii wuxuu hadalkaan ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com