Banaanbax looga soo horjeedo Ra’iisul wasaare C/weli oo maanta ka dhacay magaalada..

0

Baydhabo, AGGM: Waxaa Maanta banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed uu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Banaanbaxa maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Madoobe Nuunow Maxamed.

Dad weyne badan oo watay boorar iyo hal kudhigyo ay uga soo horjeedaan R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa manta isugu soo baxay wadooyinka Magaalada Baydhabo , waxa ayna dadkan muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan in R/Wasaaraha uu yimaado Magaalada Baydhabo.

Ciidamo katirsan Dowlada ayaa la sheegay in ay rasaas ku kala eryeen qaar kamid ah dadkii dibad baxa looga soo horjeeday R/Wasaaraha Soomaaliya manta ka dhigayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dibad baxa maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa kusoo aaday xili la sheegay in uu R/Wasaaraha Soomaaliya uu doonayo in booqasho kutago Magaalada Baydhabo oo la filayo in dhawaan lagu soo dhiso Maamulka Koonfur Galbeed ee ka kooban sadaxda Gobol.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com