Dhageyso: Ahlusuna Gobalada dhexe oo xukun dil ah ku riday nin hor

0

Muqdisho, AGGM:Maxkamada maamulka Ahlusuna ee Magaalada Guriceel ayaa xukun dil ah ku riday nin horay dil u geystay, kaasi oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada maamulka Ahlusuna ee Gobalada Dhexe.

Xukunkaan maanta ay riday maxkamada Maamulka Ahlusuna, ayaa waxaa lagu riday Cawil Khaliif Cabdi oo la sheegay in uu horey u dilay nin rayid ahaa oo lagu magacaabi jiray Saalax Cismaan Xasan.

Cawil Khaliif Cabdi ayaa ninkaan shacabka ah wuxuu ku dilay deegaanka Qodqod ee hoos taga degmada Guriceel wuxuuna dilay 18-kii Bishan aan iminka kuguda jirno.

Madaxa Garsoorka Ahlusuna Sheekh Saciid Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo la hadlay Idaacada Barkulan, ayaa wuxuu sheegay in si cadaalad ah xukunkaan loo riday.

Xukunada dilalka ah ee ay biloowday maxkamada Maamulka Ahlusuna, ayaa la sheegay in looga gol leeyahay yareynta dilalka macnadcarada ah ee ka dhaca deeganada ay maamulaan Ururka Ahlusuna.

Gobalka Galgaduud, waxaa ka dhaca dilal ay isku gaystaan qaar kamid ah dadka deegaanka oo salka ku haayo aanooyinka qabiilka iyo dilalka aargoosiga ah.

Ahlusuna ayaa horay ufulisay xukun dil ah oo lagu riday nin lagu eedeeyay inuu geystay dil.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com