Dhageyso+Sawir:Wasiir Wax Laga Naxo Kusoo Arkay Gobolka Gedo Iyo Xoola Dhaqatadi 20% Oo Xoolahoodi Dhinteen..

0

Muqdisho, AGGM:Wasiirka Beeraha Xukumadda Soomaaliya Cabdi Axmed Baafo oo Gudoomiye u ah Gudiga Abaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Magacawday ayaa ka hadlay Kormeer ay ku tageen degmada Xudur ee Gobolka Bakool iyo sidoo kale Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa sheegay in Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ay ku soo arkeen Xaalada Adag oo dhanka Noloshaa islamarkaana iskugu jirta Haraad iyo Gaajo,waxaana uu sheegay in Gudiga ay gaareen Deegaano 25-KM u jira Degmada Doolow.

Waxaa uu sheegay in Dadka Reer Guuraagaa ay u sheegeen in Arigooda 20% ay Abaarta iyo gaajada oga ladeen.
Cabdi Axmed Baafo Gudoomiyaha Gudiga Abaaraha ahna Wasiirka Beeraha Ee Xukumada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Gobolka Bakool ay ku Arkeen Dad Go’doonsan oo aan haysan Raashin iyo Biyo,waxaana uu sheegay in AMISOM Maamulka Gobolka ay Amreen in Wadooyinka u xiran Shabaab la Furo.

abaaraha gedo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com