Daawo Sawirro:Garaadka Cusub Ee Ummada Soomaaliyeed Garaad Cabdulqaadir Axmed Xirsi Oo Shalay Lagu Caleemo Saaray Magaalada Odense Ee Dalka Denmark.

0

Odense, AGGM: Xaflada Caleema saarka Garaadka Ummada Soomaaliyeed Garaad Cabdulqaadir Axmed Xirsi oo si aad ah loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday shalay oo ay Taariikhdu ahayd 23-08-14 magaalada Odense ee dalka Denmark.

Xafladan Caleema Saarka Garaadka ummada Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qeyb galay Garaadyo, Salaadiin, Ugaasyo, Waxgarad, Aqooyahano, Dhalinyaro Iyo Hooyooyin ka kala yimid wadamada Yurub, North America iyo Asia.

Ugu horeyn Xaflada Caleemasaarka Garaadka Ummada Soomaaliyeed Waxaa khudbad ka jeediyay Suldaan Cabdi Ismaaciil (Cabdi Ganaf) oo ka sheekeyey muhiimada ay leedahay in la helo Garaad Guud oo ummada Soomaaliyeed u wada dhaxeeya iyo hoowsha adag ee looga fadhiyo Garaadka Cusub ee Ummada Soomaaliyeed.

Sidoo kale madashaas ayaa waxaa iyaguna Khudbado ka jeediyay, Garaadyo, Salaadiin, Ugaasyo iyo dhamaan qaybaha ay ka kooban yihiin Jaaliyada Soomaliyeed ee dalka Denmark,waxaana kamid ahaa Waxgaradki kale ee khudbadaha ka jeediyay Madasha Xuseen Cali Faarax, Cabdikariin, Nabadoon Jaamac, Marwo Abshiro Salaad, Marwo Fardowso Dheerey iyo waxgarad kale oo fara badan halkana aanu kusoo koobi karin magacyadooda.

Dhamaan Waxgaradkaas waxay hoosta kawada xariiqeen inay taagero buuxda oo leh Hiil iyo Hooba ay la garab taagan yihiin Garaadka Cusub ee Ummada Soomaaliyeed Garaad Cabduqaadir Axmed Xirsi si uu Ummada Soomaaliyeed ee kala irdhoobay uu u mideeyo.

Dhinaca kale waxaa madasha xaflada caleemo saarka Garaadka Ummada Soomaaliyeed lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka Ummada Soomaaliyeed noocuu doonaba hanoqda’e.

Isku soo wada duuboo Xaflada Caleema Saarka Garaadka Ummada Soomaaliyeed Garaad Cabdulqaadir Axmed Xirsi ayaa waxa ay kusoo gabagabowday jawi farxad iyo damaashaad leh.

Halkaan Hoose Ka Daawo Xaflada Caleema Saarka Garaad  Cabdulqaadir Axmed Xirsi.

unnamed (22) unnamed (21) unnamed (20) unnamed (18) unnamed (17) unnamed (16) unnamed (15) unnamed (14) unnamed (13) unnamed (12) unnamed (11) unnamed (10) unnamed (9) unnamed (8) unnamed (7) unnamed (6) unnamed (5) unnamed (4) unnamed (3) unnamed (1)

unnamed (19)unnamed

raad

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 19 20 22 23 24 25 26 27 28 29 30 unnamed (23)

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com