Xukuumada oo ku dhawaaqday olole lagu yareynayo haweenka iyo caruurta daryeel la.aanta u geeriyooda

0

Ololaha carma oo loogu talo galay yareynta xaalad daryeel la.aan oo ay u dhintaan hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed oo ay ku dhawaaqday Xukuumada Soomaaliya waxa uu qeyb kayahay olole ay ku heshiiyeen dalalka qaarada Africa si ay u yareeyaan baaxada hooyada iyo dhalaanka daryeel la.aan awgeed u geeriyooda dalalkaasi.

Munaasabada ololahan oo muqdisho lagu qabtay waxaa kasoo qeyb galay Raiisul wasaare Cabdu wali xubno kamid ah golihiisa wasiirada’ masuuliyiin kasocday QM iyo ha’ado caalami ah oo ay kamdi yihiin WHO iyo wakiilo kasocday ururka midowga Africa.

Xubnahaasi waxa ay si wadajir ah u sheegeen muhiimada hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed uu u leeyahay fulinta ololahan iyagoo xukuumada kula taliyey taaba galintiisa dhinacooda ay dhaqaalo badan ku bixinayaan sidii loo yareyn lahaa dhimashada hooyinka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Cali Maxamuud Maxam,ed Cali xareed oo kahadlay ujeedka wasaaradiisa eek u wajahan ololaha Carma ayaa rajo wanaagsan kamuujiyey fulinta howshan.

Raiisul wasaare Cabdu wali Sheakh oo gaba gabadii hadalay ayaa wasaarada caafimaadka iyo cid waliba oo ku taageereysa hirgalinta ololahan waxa uu ku bogaadiyey kaalintooda isagoo sheegay in xukuumadiisu ay ka walaacsan tahay xaalada hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed.

Wasaarada Caafimaadka xukuumada Soomaaliya oo masuul ka ah fulinta ololahan ayaa kohowlan wax kaqabasha xaalada caafimaad ee dalka inkastoo ay jiraan duruufo kala duwan oo ku hor gudban wasaarada.