Wasiirka gaashan dhiga oo Muqdisho yimid

0

Wasiirka Wasaarada Gaashaan dhiga Maxamed Sheakh Xasan xaamud oo kasoo laabtay safar uu ku joogay dalka dibadiisa ayaa markii uu kasoo dagtay garoonka muqdisho waxa soo dhaweeyey xubno kamdi ah golaha wasiirada iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya

Wasiirka ayaa marka hore kahadlay safarkiisa iyo waxyaabihii ugu soo qabsoomay oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa la xiriira horumarinta iyo dib u dhiska ciidamada qalbaka sida ee dowlada Soomaaliya. Hase ahaatee wasiirka ayaa soo hadal qaaday hadal ay baahiyeen warbaahinta qaar ee dalka oo ku wajahnaa in wasiirku uu si cad u sheegay in dib aan loo dhsisi karin ciimada xooga dalka oo ay adagtahay.

Dhinaca kale wasiirka gaashaan dhiga ayaa ka qeyb galay munaasabad taliska ciidamada xooga lagu gudoonsiinayey deeq daawo ah oo ay bixisay dowlada talyaaniga waxaana halkaasi kahadlay abaanduulaha ciidamada xooga dalka

Wasiirka gaashan dhiga oo kamahad celinayey deeqda ayaa sheegay in talyaaniga ay ka filayaan taageero kale oo ka qeyb qaata dhisida ciidamada xooga dalka maadaama ay jiraan baahiyo kale oo ay qabaan.