Top News:Ereg iyo Sanbaloolshe oo bilaabay ku takrifal awoodeed! Siyaasi kale oo Xabsiga loogu taxaabay Maxaad dawladda khaladaadkeeda uga hadashaa? Waa Kuma Siyaasigaasi..

0

Muqdisho, AGGM:Ereg iyo Sanbaloolshe oo dawladda ugu kala magacaaban Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Nabadsugida ayaa bilaabay ku takrifal awoodeed iyo caburin Saxaafadda iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dawladda Soomaaliya. Maanta ayaa Ciidamada Booliiska iyo Nabadsugida waxaa ay Xabsiga u taxaabeen Mohamud Dahir Farah (Qooleey) oo ah Siyaasiyiinta Muqdisho oo aadka u dhaliilsan siyaasadda Kooxda Damujadiid oo Majaraha u heysa siyaasadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Khaliif Ereg iyo Agasimaha Nabadsugida oo labaduba ah siyaasiyiin aqoon ahaan aad u liita, Jagooyinka loo magacaabayna ku weyn yihiin, horeyna ugu soo fashilmay Jagooyin dawladdu horey u magacaawday aya Muqdisho ka bilaabay caburinta Saxaafadda iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dawladda Soomaaliya.

Inkasta oo hubka in la dhigo dhamaan shacabka Soomaaliya ay muhiim tahay haddana dawladda waxaa looga baahan yahay inay sameyso Ciidan qaran oo la aamini karo, sidoo kalana amaanka shcabka iyo siyaasiyiintaba sugto.

Qaabka hubka looga qaadayo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dawladda iyo Gudoomiyayaashii hore ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa u muuqanaysa Maliishiyo hubka ka qaadanayso Maliishiyo kale oo ay ka awood badan tahay Maadaama uusan jirin qorshe guud oo hubka looga dhigayo iyo ciidan qaran oo si rasmi ah u shaqeeya.

Masuul sare oo ka tirsan dawladda ayaa si hoose Saxaafadda ugu sheegay in tirade Ciidamada Xooga dalka iyo Booliiskaba aan la ogeyn maadaama ay arintaasi ogoleyn in Taliyayaasha Xooga iyo Booliiska in rasmi loo ogaado tirada Ciidamada ay ku qaataan saadka iyo Mushaharka.

Isku soo wada duube Dawladda ayaa ku dhawaaqday hubkadhigis aan qorshe lahayn oo Maliishiyaad hubeysan oo la socda Masuuliyiinta dawladda ay hubka uga dhigayaan maliishiyaad kale oo ilaalo u ah masuuliyiin xilal dawladda horey uga soo qabtay iyo Siyaasiyiin mucaarad ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com