TOP NEWS TOOS U DAAWO:- Ciidamo Axmed Madoobe Kasoo Goostay Oo Ku Biiray Ciidamada Uu Hogaamiyo Col. Bare Hiiraale.

0

Goobweyn, AGGM: Ciidamo iyo Saraakiil kasoo goostay Maleeshiyada Raas Kambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, ayaa ku biiray ciidamada Garabka u Col. Barre Hiiraale uu hogaamiyo ee ku sugan Deegaanka Goobweyn ee Duleedka magaalada Kismaayo.

Col. Barre Hiiraale ayaa Ciidankan kasoo goostay Axmed Madoobe waxa uu kusoo dhaweeyay Maalintii Isniintii lasoo dhaafay ee Shalay Xero Military oo lagu magacaabo Sabca Ashraaf oo ku taalla Deegaanka Goobweyn, iyagoo wata Hubkooda & Gaadiidkooda Dagaalka.

War Qoraal ah oo uu sooo saaray Col. Barre Hiiraale, oo lasoo gaarsiiyay Xafiiska Wararka Allgalgaduud Media ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Ciidankan ay si iskooda ah uga sooo baxeen Maleeshiyada Raas Kambooni, markii Tacadiyo & Xadgudub joogto ah u geesteen Ciidamada Kenya ee xooga ku Maamula Magaalada Kismaayo.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com