Tol’oow yaa is dhiibay: Nicolas kay Mise Xukuumadda? Qoraa Runta Ka Hadlay, Somaliland Ma Jirto Wax La Yirahdo Ee Runta Aan Ogaano

0

Tan iyo intii Jimciyadda UN-tu soo Magacawday Wakiilkeeda U Qaabilsan xafiiska Siyaasadda Ee Dalka Soomaaliya Ambassador Nicolas Key.

waxa hangoolladu iska sudhmeen geedi-socodkii iyo istiraatiijiyaddii Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo xafiiskaas Bakaaraha Muqdisho Ka furan, kaas oo dadka reer Somaliland aaminsan yihiin in uu rabitaankooda qaranimo iyo dawladnimoooda, isla markaana uu Nicolas Key mus duleedka kula meeraysanayo siyaasad saldhigeedu [xafiiskeed] yahay dal midaysan [Somaliweyn] oo kursi midaysan ku leh jamciyada quruumaha ka dhaxaysa, kaas oo caalamka tusaya inuu si habsami ah [xafiiskaas] uga hawl galo dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Shalay waxa uu ka soo duulay Muqdisho, xalay waxa uu ku dhaxay Garoowe, Saakana waxa uu u soo jarmaaday Somaliland isaga oo hadhimadii lagu sooryeeyey Hargeysa. Siyaasadda uu ninkan wakiilka ahi tunka ku sitaa waxa ay shacbiga Somaliland iyo dawladdooda ku duduucaysaa in rabitaankooda laga maamulo magaalo ay hore u eedeen, sababtaas iyo xasuuqyo taariikhda ku xardhan darteedna ay xukuumadda Somaliland qaadatay go’aan ah inaan Nicolas iyo jaalkiisu soo cago dhigtaan Somaliland, qorshe kasta oo uu ku hawaysto Midaynta Xamar iyo Hargeysana lagala hor tago qardoofo siyaasadeed iyo qaddiyad midaysan.

Qorshahaas ka dib maxaa Is beddelay?

Iyada oo ay sidaas tahay oo labada dhinac ay halkaas kala taagan yihiin waxa Nicolas geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuulay sidii uu albaab kasta uga soo oodi lahaa dalka curdinka ah ee Caalam-weynaha iyo inta u talisaaba [qaramada midoobay] godobta ka galeen. Waxa uu xafiiskiisa Muqdisho Ambassador Key ka bilaabay dagaal siyaasadeed  oo uu Somaliland kaga aarsanayo jugtii ka gaadhay hammigiisa dhicisoobay, waxaana markiiba innaga dul dayaamay go’aan aad ay ula yaabeen xukuumadda iyo shacabka Somaliland kaasi oo ahaa in sida ugu dhaqsaha badan Somaliland ciidamadeeda ugala baxdo gobolada bariga Somaliland taasi oo madax wareer ayka qaaday Somaliland sida bilaa xurmada ah ee ayqaramada midoobay u horboodayso kooxda sharwadayaasha caalamka ee ayka midka yihiin maraykanka ,ingiriiska,wadamada midawga yurub iyo qaramada midoobay ,ooka midaysnaa dagaalka ka dhanka ah xukuumada Somaliland iyo rabitaanka shacabka Somaliland .

Iyada oo aanay eegaynin dhawaaqaasi ayaa haddana maalmahaas waxa qaraxyo aan ujeeddadiisa sharrax laga bixini waxa ay ka bilaabmeen wadamada mandaqada ku yaallaa [gaar ahaan Djibouti], kaas oo baadhitaan in lagu deg-degay u muuqda kadib uu madaxa ciidammada [jananka] ee jabbuuti soo saaray war murtiyeed ku suntan cidii qaraxa fulisay iyo halkii uu soo dhex maray, ama si kale haddii aan u dhigo naftood halligayaashii falka fuliyey lagu sheegay inay Somaliland dhalashadoodu kasoo jeedday. Arrintaasi jiritaankeeda iyo ka jawaabideedaba xukuumadda Somaliland kamay istaagin door shariif ah, taas beddelkeedase waxa ay eedayntii Jabbuuti ay xukuumaddu u qaadatay sidii gabadh [bir-ma-geydo ah] oo la dhirbaaxay oo ilmaynaysa, tallaabadii ay shacbiga Somaliland filayeen in [xukuumaddu] kaga jawaabto baadhitaankaasna waxa ay ugu beddeshay aamus, arrintaasina waxa ay sii xoojisay tuhunnadii la qabay iyadoo caqliga saliimka ahina is weydiinayay sida wax u socdaan iyo doorka uu qaraxan iyo baadhitaankiisu ku yeelan karo dagaalkii siyaasadeed ee ninkaas odayga ah [Nicolas key].

Halkii ay shacabka Somaliland ka sugayeen jawaab waafiya oo lagaga gam’o eedaymahaasi ayaa waxaa shaashadaha soo fadhiistay wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi M. Daahir [cukuse], oo u hanjabaya dhalinyaro Somaliland ah oo ku bahoobay urur dhalinyaro [Jiidali], yaab iyo amakaag shaw bahashan aan jawaabaha cadawga ka sugaynayba waa dawlad dadkeeda dagaal kula jirta bal adba.

Maalin dabadeed waxaa halis amaanku dhawaaqday dawlada aynu dariska nahay ee itoobiya oo sheegatay inay haliso argagixiso u xidheen xuduudka Somaliland iyo udhaxeeya itoobiya arintaasi oohaliso badan lahayd ilaamaantadaas dawladeenu waxinaga xumaaday dalkii kaliya ee aynu xigtada ahayn ee itoobiya waxaana iska daba yaacay dhawr jeer tiraba wasiirada arimaha dibada iyo wasiirka arimaha gudaha iyo madaxa sirdoonka ,iyo taliyayaasha ciidamada qaranka soomaalilnd waxaanay soo noqdaan iyaga oo didsan oo oo aadmoodo inmardhawayd lagaga hadhay madaarka waxaanay hadaladooda ka bilaabaan waanu isa soo afgaranay wadamada jaarkeena sida jabuuti iyo itoobiya ,waxaanay xadka u xidheen arimo nabadgalyo bal adba garo goortan aysoomaaliland noqotay hororka geeska afrika ee dawlad waliba xadkeeda ka xidhatay waxaanay xaga dambekaraaciyaan wayfurayaan xadkii wadamada jabuuti iyo itoobiya maalmo dabadeedna waxay arintaasi noqotaa sacab timo ka eeg .

Dabayaaqadii bishii rabadaan ayaa madaxwaynaha soomaaliland socod uuku sheegay mid shaqsi ah ku tagay wadanka ingiriiska waxaanu sii maray wadanka itoobiya ee aynu jaarka nahay waxaana halkaa ku qaabilay raysal wasaare hayla maryam disaali waxaanu warmurtiyeed dhinackaliya ahaa ooka soo baxay soomaaliland lagu sheegay inkulankii madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha itoobiya ku dhamaaday indawlada itoobiya maanta waxiika dambeeya lafurayo xuduudkii soomaaliland iyo itoobiya lamina arag hadalkaa madaxwayne siilaanyo eelagu baahiyay ilaa saxaafada ee hadana noqday waxaan dibloo maqal maalin dhawayd oo ayka soo wareegeen dhawr casho lagu sheegay inay si rasmi ah itoobiya u furtay xuduudii inoo dhaxaysay.

Ma itoobiya iyo jabuuti ayaynu eegaynay inaynu inagoo ah shaadhka laysaga dhigo xabadaha oo u ilaalina xuduudahooda bilaa xurmo inoogu daraan waxaanlooba dabadn laakiin horaa loo yidhi horaaloo yidhi halba waa ayaankeed halka lagu qalo waxaa iyadana laga bilaabaydalka gudahiisa shir aan horedalka uga dhicin dawladahiika horeeyay xukuumada siilaanyo indalka gudahiisa laga yagleelo shirka dhana qaranimada Somaliland sila mar ahaantaana lagu kala faquuqayo midnimada dalkan soomaaliland,shirkaasi oo uugadhwadeen ka ahaa dr cali khaliif galaydh,cali khaliif mudo todoba bilooda oo meeraysanayay kaymaha jiqda ah ee gobolka sool waxaa uumarkasta sii mari jiray oo soomari jray dawlada dalka itoobiya gaar ahaan kililka shanaad eedalka itoobiya madaarka jig jigana si xora ugasoo dagay ugana dhoofayay si xora iyada soomaaliland u xishoonayso sidii gabadhla dhirbaaxayna waxa uu doono ayuu samaynayay,dhawrjeer oo axsaabta siyaasada iyo mujaahidiinta madsha wadfatashiga soomaaliland dhaliilo kusahabsanaa shirkaasi ka hadleen ayxukuumadu ciidamo u dirtay deegaanka cali khaliif oo ciidamadii xoogaa yara erayadeen,waxaanu si caadi ah shirkaasi u dhamaaday sidii uu rabay calikhaliif galaydh oo ah inuu doortay madaxwayne cali khaliif,iyada oo ay yaabku jiraan shacabka soomaaliland waxansocda oolaysleeyahay talaabayka qaadi mise isla habeenkaa laftiisa waxaa ayxukuumadeenuka qaybgashay hobolo iyo duul dalka loogu dawgalay oola yidhaa qurba jog iyagoo ku tumanaya hotel guuleed.

Gabagabadii intaa waxkabadan akhriyi karimaysaane aad yara nasataane waxaa u dambeeyay markii dawladii soomaaliland sankeeda caanolaga lisay inuu si xora uga soo dagay madaarka hargaysa ampasador Nicolas kay ooloo dhigay roog cas isagoo si toosa shaaca uga qaaday Nicolas kay inay si afgaradka gaadheen maamulka soomaalilnad waxii muruga keenay maxaana halkaa ka cad inxukuumada soomaalilnd toos u hayso dhabahii qodaxaanta badnaa ee ayku burburi jireen dawladaha shacabkooda khiyaameeyaa.

Waxaa kaliya ee aankasugno xukuumada soomaalilnd waa inay inoo qaadaan heestii u dambaysay ruwaayadii kooxda axmad siilaanyo heestaasi oo ah inay inaga oo sidaa maanta u arkayna ay calanka tawxiidka le inagu hor furan oo aysaaraan calanka ay u waasheen siyaasiyiinta soomaaliland ee ahaa calankii dhagarta ee buluuga ahaa.marka ay heesta soo xidhtaanka ruwaayada xukuumada axmad siilaanyo la qaado waxaa halkaa ku gabagaboobaya ruwaayadaasi laakiin waxaan ugu bushaaraynayaa shacabka soomaaliland inaanay soomalilnd waxba noqonayn ee ay soconayso waayo ilaahay ayaa ina siiyay ilaahay hadyada uubixiyana lama noqdo ee waxan buudhiga ka dhcaya ee ilaahay fashilayaa waa kooxda u ciyaaraysa xukuumada axmad siilaanyo ee aanay dalka wax ala wax dhibaato ahi soo gaadhayn waxa kaliya ee dhibtaasi ina badayna waxaytahay xukuumada axamad siilaanyo oo halkii uu uga dhaartay shacabka soomaalilnd ee ay ahayd inuu tixgaliyo iska baalmaray badalkeediina qaatay heshiisyo uula galay dawladaha gaalada ah iyo haydaha isku bahaystay baabiinta masiirkii shacabka soomaalilnd bal eegno waayaha iyo halka ayku dambayso arimaha aankasoo sheekaynayiyo waxay roob inoo da aaan.wabilaahi tawfiiq…