DHAGEYSO:- Odayaasha iyo waxgaradka shabeelaha dhexe oo kahadlay waxqabadka ay ka sugayaan gudoomiyaha cusub ee gobolkaasi.

0

Odayaasha iyo waxgaradka ku nool magaalada Jowhar oo kulan ku yeeshay magaaladaasi ayaa waxay ku taageeraan gudoomiyaha cusub ee madaxweynaha dalka Soomaaliya oo u magacaabay gobolkaasi.

 

Nabadoon Maxamuud Cismaan Yaacali oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in gudoonka cusub ay ka sugayaan inuu wax badan ka qabto xaalada guud ee gobolkaasi Shabeelaha Dhexe.

 

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhankooda ay taageerayaan maamulka cusub ee qabanaya hogaanka gobolka Shabeelaha dhexe ayna la shaqeyn doonaan sida ay ula shaqeeyaan maamuladii ka horeeyay.

 

Dhanka kale Nabadoon Cabdi Calas ayaa u sheegay Warbaahinta inay wanaagsan tahay rajada ay ka qabaan gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe.

 

Wuxuuna cadeeyay in odayaasha ay mar walbaa garab taagan yihiin maamulkooda oo ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa wuxuu kusoo magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe, iyadoo xilka laga qaaday gudoomiyihii hore Cabdi Jiinow Calasow.