Dhageyso: R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed “Aniga Ma Amrin Xariga Wariyeyaasha & Idaacadaha” Haddaba Yaa Amray?

0

Muqdisho, AGGM: Kulankii Xalay R/wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed ayaa waxa uu sheegay inuusan Amrin xariga Idaacadaha Shabelle iyo Sky Fm oo shaqaalahoodii la xiray Maalintii Jimcihii todobaadkii hore.

Inkastoo Codka R/wasaaraha la diiday in la duubo hadana ka qeyb galayaashii kulankaasi ayaa sheegaya in R/wasaaraha uusan waxba kala socon qaabkii loo xiray Idaacado iyo Wariyeyaal ka shaqeynayey Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Hay’ada Saxaafada udooda ee SIMHA Ismaaciil Shiikh Khaliif ahna Agaasimaha Idaacada Star Fm Xarunteeda Muqdisho ayaa sheegay in sidoo kale R/wasaaraha uu uballan qaaday Bahda warfaafinta inay bad baadiso wada shaqeyna la yeelato Saxaafada.

Ismaaciil Shiikh Khaliif waxa kale uu sheegay in waxyaabaha xalay kulankaasi Saxafiyiinta ay ka cowdeen qeyb ka aheyd Eex lagu sameeyo Wariyeyaasha mar ay wararka udoonaan Xafiisyada dawlada taasina ay wasiiradii garab fadhiyey R/wasaaraha aad ula yaabeen in la kala jeclaado war doonayaasha xilliyada ay Madaxtooyada tagaan.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com