Daawo: Si Aad U Aragto Dagaalka Kenya Ay Ku Hayso Umada Soomaaliyeed, Ma Ahan Xabad Iyo Qori Oo Kaliyah

0

Nairobi(AGGM) Jaadka laga soo dhoofiya Dalka kenya oo la geeyo Soomaaliya ayaa sare u kacay boqolkiiba 50 kaddibmarkii jaadkii loo dhoofin jiray wadanka UK loo weeciyey in Soomaaliya loo iibgeeyo.

Kenya oo aan ka naxaynin mustaqbal dalkeena ayaa albaabada u furtay in garoomadeeda laga daadgureeyo qaad farabadan si aysan ganacsatooda u musalafin ama aysan u kicin.

Soomaalida ayaa dhaqaalo badan ku bixiya jaadka, waxaana  ganacsatad kenyanka ah ay haatan jaadkaaas u iib geeyaan Dalka Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa dhaqaalaha ugu badan ka soo galaa Soomaaliya waxaana la sheegay in ku dhawaad 72 milyan oo Dollar ka soo gasho Soomaaliya oo kaliyah kaasoo gabi ahaanba ah dhaqliga Jaadka.

Halkaan Ka Daawo

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com