Xildhibaanada Mucaaradka Kenya Oo Sheegay In La Joogo Waqtigii Ciidamada Soomaaliya Laga Soo Saari Lahaanicklos Key Oo Booqday Somaliland

0

Nairobi, AGGM: Saddex sano ayaa laga joogaa waqtigii ciidamada Kenya ay gudaha Soomaaliya soo galeen, waxaana ay ku biireen ciidamada Amisom, iyagoo huwaday Shaatiga howlgalka Midowga Afrika ee Amisom, markii ay Soomaaliya muddo ay joogeen.
Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Aadan waxa uu ka mid yahay xildhibaanada xisbigaasi CORD, waxa uu Idaacada BBC usheegay in xilligaan ay tahay waqtigii ciidamada Kenyatiga ay soo faarujin lahaayeen gudaha Soomaaliya, maadaama ujeedka ciidamada Kenya loogu diray dalka Soomaaliya aysan aheyn in ay dalkaasi qabsadaan.

Wuxuu tusaale usoo qaatay Mareykanka oo uu sheegay in ciidamadiisa uu kala baxay Afgaanistaan iyo Ciraaq, markii uu tababar wanaagsan siiyay ciidamada dalalkaasi, hadana ciidamada Kenya la rabo in Soomaaliya ay kasoo baxaan, maadaama ciidamada Soomaalida loo baahan yahay inay dhismaan.

Qarashaadka ay qaataan ciidamada Amisom, ayuu ku tilmaamay hadii la siin lahaa Askariga Soomaaliga ah inay taasi meesha ka saari laheyd, baahida Soomaalida ay u qabto ciidamo shisheeye oo dalkooda joogo, balse Soomaaliya aysan fahansaneyn qiimaha ciidamadooda.

“Dhaqaalaha lasiinaayo ciidamada Amisom wax badan ayuu u qaban lahaa hadii lasiin lahaa kuwa Soomaalida, sababtoo ah Soomaaliya uma baahno ciidamo shisheeye hadii ay dhisato ciidamadeeda”Sidaasi waxaa yiri Xildhibaankaan ka tirsan Xisbiga Mucaaraadka dalka Kenya.

Xildhibaanka ayaa intaasi hadalkiisa ku daray “Aniga Gaarisa ayaa la iga soo doortaa Amnidarada hada Gaarisa ka jirta horay ugama aysan jiri jirin, waxaana sabab u ah ciidamadeena oo Soomaaliya ku sugan”

Ciidamada Kenya ayaa ku sugan Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana ay doonayaan inay ku sii sugnaadaan Gobaladaasi, maadaama joogitaanka gudaha Soomaaliya ay ku qaataan dhaqaalo badan, hub iyo saanado milateri intaba.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com