Wasiirka Haweenka Oo Kulan Looga Hadlay Xuquuqda Haweenka La Qaadatay Mas’uuliyiin Ka Socotay Amisom

0

 

Wasiirka haweenka iyo Xuquuqul insaanka Xukuumadda Soomaaliya  ayaa maanta xafiiskeeda kulan  kula qaadatay  xubno ka socday  xafiiska Amsiom u qaabilsan  Haweenka,iyo hay,ada ka shaqeeya xaquuqul insaanka waxayna ka wada hadleen sidii loo  dar-dargalin  lahaa arrimaha xuquuqul insaanka dalka iyo  haweenka in ay ka  dhex muuqdaan  siyaasadda  wadanka, ayna wasaaradda   tababaro sare loogu qaadayo  aqoonta  shaqaalaha wasaaradda ay u heli lahaayeen  dalka iyo dibadda ka wada hadlay.

Marwo Khadiijo Maxamed Diire  wasiirk haweenka iyo xaquuqul insaanka  ayaa warbaahinta ugu warbixisay waxyaabah looga hadlay   kulanka ay maanta la qaadatay  xubnaha  ka socda  Amisom iyo hay,adaha ka shaqeeya  xuquuqul insaanka.

Mr Haji Sebya  Robi  oo ka socda  xafiiska Amisom u qaabilsan  arrimaha  haweenka ayaa  sheegay  in Amisom ay diyaar u tahay in ay  ka shaqeyso arrimaha xuquuqul insaanka waxuuna amaanay  howlaha  wasaaradda haweenka, iyo xaquul insaanka  ay wado.

“Gaar ahaan Waxaan halkaan Wasaaradda Haweenka u joognaa sidii aan uga caawin lahayn haweenka  iyo arrimaha xuquuqda aadanaha, waxaan leenahay xafiiska arrimaha Gender-Ka, bilo ka hor waxaan nagu so biiray Madaxa xafiiska AMISOM ee u qaabilsan in aan carruurta la askareyn oo nooga timid dalka Marooko, sidoo kale waxaa dhawaan nagu soo biiray saraakiil sare  oo dhanka arrimaha xaquuqda aadanaha qaabilsan oo ka yimid dalalka Ruush iyo Sudan” ayuu hadalkiisa ku daray.

Kulankani wasaaradda  ay la qaadatay  xubnahani ayaa waxay imaanaysaa xili wasaarada  ay dadaal ugu jirta sidii ay kor ugu qaadi lahayd tayada  haweenka Soomaaliyeed si ay uga  dhex muuqan lahaayeen  siyaasadda dalka.