Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Deeq Raashin Ah Ka Guddoomay Imaaraadka Carabta

0

Muqdisho, AGGM: Deeqdani gar-gaarka ah oo isugu jirta noocyada kale duwan ee cunada quutul daruuriga ah ayaa maanta lagu wareejiyay wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka taasi oo ay soo dhiibtay Dowladda imaaraadka Carabta, waxaana loogu talo galay dadka ku nool deegaannada abaaruhu ay saameeyeen ee gobolada dalka iyo meelaha argagaxisada Al Shabaab dhawaan laga xoreeyay.

Goobta mucaawinadani gar gaarka ah loogu wareejinayay wasaaradda arrimaha gudaha wasiirka wasaaradaasi, safiirka Dowladda imaaraadka carabta  ee Soomaaliya, iyo mas,uuliyiinta mu,asasada Khaliifa Binzayid oo raashinkaasi loo soo wakiishay.

Maxamed Axmed Al-Cismaan oo ah safiirka imaaraadka carabta ee Soomaaliya ayaa ku wareejiyay deeqdaasi wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre,  waxaana uu sheegey in imaaraadka mucaawinadan ay ugu talo galeen in ay ku caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee gar gaarka u baahan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya mudane C/llaahi Goodax Barre ayaa uga mahad naqay walaalaha imaaraadka carabta deeqdan gar gaarka ah iyo sida ay ugarabtaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Isutaga imaaraadka carabta ayaa kaalin muuqata ka qaadatay  u gar gaarida shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu xusuustaa xiliyada ramadaanka, munaasabadaha ciida, iyo waqtiyada xaaladaha bani,aadanimo ay jiraan in shacabka ay gar gaar u fidiyaan.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com