Warbixin+Dhageyso: Tirada Al Shabaab Ay Ku Dileen Kenya 2011 Ilaa 2014

0

Nairobi, AGGM: Warbixin maanta lagu qoray wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Sadexdii sanno ee lasoo dhaafay Al-Shabab ay dalka Kenya ka geysteen in ka badan 100 weerar oo khasaaro badan dhaliyay.

Warbixintaan oo aad u dheer ayaa waxaa lagu sheegay in tan iyo bishii October sanadkii 2011 xilligaaso uu bilowday howlgalka dawlada Kenya ugu magac dardartay Linda Nchi oo la macno ah bad baadi qaranka Al-Shabab Kenya waxay ku qaadeen 100 weerar oo magaalooyin muhiim ah lagu qaaday.

Weeraradaas waxaa uu wargeysku sheegay in lagu dilay 370 ruux isku geyn waxaana ku dhaawacmay 1,075 ruux .

Cel celis ahaan tiro koob la sameeyay waxaa ay muujinaysaa in Al-Shabab ay Sadexdii cishoba dalka Kenya ku dilaan hal ruux ama hadii si kale loo dhigo 11,,kii cishaba waxay dalkaasi ku qaadaan weerar khasaaro dhaliya.

Weerarada Al-Shabab ku faanayso inay dalka Kenya ku qaaday waxaa ka mid ah weerarkii bishii September sanadkii hore ay ku qaadeen suuqa Westgate ee Nairobi ku yaala iyo weerarkii kale ee Lamu lagu qaaday sanadkaan.

Labadaas weerar dadka ku naf waayay waxay tiro ahaan waxay ka badanyihiin 100 ruux in kale oo intaa ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Qubaro amaan oo uu la xariiray wargeyska The Standard waxay qireen in Al-Shabab ay si weyn u dhibaateeyeen dadka Kenya ku nool tan iyo markii ay isqoomeen.

Hay’adaha amaanka dalka Kenya waa ay diideen inay wax war ah ka yiraahdaan warbixintaan uu wargeysku soo saaray.

Dhawaan waxaa is casilay madaxii sirdoonka dalka Kenya kadib markii uu qirtay inuu wax ka qaban waayay weerarada Al-Shabab dalkiisa sida joogtada ah ugu qaadaan, xisbiyadda siyaasadda ee mucaaradka Kenyana waxay xalka amaanka Kenya inuu ku jiro u arkaan ciidamada Kenya oo Soomaaliya laga saaro iyo xukuumadda Kenya oo arrimaha Soomaaliya faraha kala baxda.

Dadka falanqeeya arrimaha amaanka waxay ku doodayaan in Kenya ay si walba dhibaato ku tahay howlgalka ay ciidamadooda Soomaaliya ka wadaan.

Ciidamada Kenya oo hadda qeyb ka ah howlgalka Midawga Africa ee AMISOM waxay ka howlgalaan gobolada koofureed ee Soomaaliya halkaasoo ay kula dagaalamaan dagaalamayaasha Al-Shabab oo ay magaalooyin muhiim ah horey uga saareen. 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com