Sawiro: Xaflad Lagu Taageerayay Khaatumo State Oo Ka Dhacday Rotterdam

0

Rotterdam (AGGM) Xaflad ballaaran oo lagu taageerayay maamulka cusub ee Khaatumo State ayaa waxaa ay xalay ka dhacday magaaladda Rotterdam ee caasimadda labaad ee dalka Holland.

Xafladan ay kasoo qayb galeen Jaaliyaddaha Khaatumo ee wadamada Holland iyo belguim ayaa waxa ay dadku ka kala yimaadeen guud ahaan wadanka Holland iyo nawaaxiga ku dhow oo dhan.

Dhamaan dhacabkii ka qeybgalay xafladaas ayaa waxa ay taagero badan u muujinayaan madaxweynaha cusub ee Khaatumo State Pro Cali Khaliif Galaydh, ku xigeenkiisa Cagalule iyo golaha wakiilada Khaatumo ee dhawaan shirkoodu uu ku soo gabagabooyay degmada Saaxdheer.

Dadka munaasabadaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday taariikhda ay soo martay Khaatumo iyo sida bulshada Khaatumo ay taariikh ahaan u yihiin dad jecel horumarka iyo nabadgelyada iyo midnimada Soomaaliya oo mid ah.

Waxaa xaflada Sidaas oo kale hadalo ka jeediyey waxgarad, aqoonyahano, haween iyo dhalinyaro, kuwaasoo dhamaantood aan u kala harin hambalyada iyo boggaadinta ay u dirayaan madaxda iyo bulshada reer Khaatumo.

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo horay Ra’iisul Wasaare u soo noqday ahna siyaasi rug cadaa ah ayaa ku guulaystay doorasho todobaadkii hore ka dhacday degmada Saaxdheere ee gobolka Sool.

Halkaan Ka Daawo Sawiro

10483242_747703031942099_5038218972540487411_o 10559847_747703018608767_5717736265596389760_n 10559905_747703358608733_1088448313061182762_n 10606036_747703375275398_6782548207682341892_n 10606036_747703375275398_6782548207682341892_n_1 10616178_747703171942085_5728886215153481853_n

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com