Dhageyso: Reer Mudug Xoolo Dhaqato Ah Oo Alshabaab Iska Dhiciyey Labo Sarkaalna Ka Dilay

0

Xarardheere(AGGM) Deegaan hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa ku  dagaalamay Ciidamo ka tirsan Al-shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah oo si iskood ah isu abaabulay.

Degmada Xarardheere  ayaa waxaa wali ay gacanta ugu jirtaa kooxda Alshabaab. Dagaalkaas ayaa ka dhashay kaddibmarkii Alshabaab ay dadka deegaanka ku amreen inay xoolo sako ah keenaan.

Dadkii xoolo dhaqatada ahaa ayaa arrintaas diiday, oo Alshabaab si cad ugu sheegay inaysan xoolo keeni doonin.

Dagaalka ayaa sidaas ku bilawday,w axaana uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dadka deegaanka iyo labo sarkaal oo Alshabaab ka tirsan.

Dadka deegaanka ayaa mar walba la dagaalama Alshabaab balse xukuumada Soomaaliya ayaana arrintaas uga faaiidaysan sidii loo baahnaa maadaama ay dadku naceen Alshabaab.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com