Beesha Abgaal Oo Madaxweynaha Hoos Ula Shirtay Iyo Raisul Wasaare Cabdiwali Oo Ay Ka Dacwoodeen

0

Muqdisho(AGGM) Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay xiisadii ka dhalatay weerarkii lagu qaaday hoyga Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci.

Axmed Daaci haatan wuxuu u xiranyahay dowlada, waxaana lagala wareegay hub iyo maleeshiyaad uu haystay oo la dagaalamay AMISOM.

Waxgaradka, siyaasiyiinta xubnaha Dowladda ugu jira beesha Abgaal ayaa arrintaas aad uga xumaaday, waxaana ay kulan Muqdisho kula qaateen Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa sida la sheegay ku balan furay odayaasha oo laga codsaday in Axmed Daaci ay si nabadgelyo ah ku keenaan, markii ay keeneen ayaa lagala wareegay waxaana loo taxaabay xabsiga.

Waxgaradkii Beesha Abgaal ayaa arrintaas aad uga carooday, waxayna sheegeen in ay ka hor imaanayaan dawlada.

Markaas kaddib ayaa waxaa madaxweynaha uu codsaday inuu la kulmo beeshiisa si arrintaas loo qaboojiyo. Madaxweynaha oo kulan la qaatay ayaa waxa ay aad uga wada hadleen sababta keentay in iyaga beel ahaan loo beegsado, taasoo madaxweynuhu uu iska diiday, isagoo u sheegay in hub uruurinta ay sii socon doonto, iyaga oo kaliyahna aan la bartilmaameedsanaynin.

Odayaasha ayaa waxaa dhinaca kale ay madaxweynaha kaga dacwoodeen Ra’iisal Wasaaraha dalka oo ay ku eedeeyeen inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu bartilmaameedsanayo.

Beelaha Hawiye ayaa aad uga xumaaday hub ka dhigista Muqdisho laga wado, waxayna qaarkood cambaareeyeen weeraro iyo bartilmaameedyo ay dowladu weerartay oo uu ka dhashay khasaare nafeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com