Sawiro: Mudaharaadyo Waaweyn Oo Gilgilay Magaalada Jabuuti

0

Jabuuti(AGGM) Magaalo madaxda jamhuuriyada Jabuuti waxaa gilgilay banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo siyaasada madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay madaxweyne Geelle ka codsadeen inuu taabageliyo wadahadalo uu sheegay in uu la furayo mucaaradka wadankaas.

Mudaharaadkan oo ay iskugu soo baxeen dadweyne aad u tiro badan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalo madaxda sida Balabala-Caadi, Kartiile,Xumbule iyo Sheekh-Muuse

Dadka banaanbaxayay ayaa sidoo kale madaxweynaha ka dalbaday in uu ilaaliyo xuquuqda saxaafada oo ay meel liitada ka maraysa wadankaas, kaddibmarkii la xirixiray wariyeyaal.

Halkaan Ka Daawo Sawiro

j1 j2 j3 j4

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com