Khilaaf Ka Dhex Abuurmay Madaxweyne Xassan Iyo Ra’isul Wasaare Cabdiweli

0

Muqdisho (AGGM ) Warar hoose ayaa sheegaya in labada nin ee dalka hoggaanka u haysa ay isku diidanyihiin dhawr arrimood, taasoo sababtay in khilaaf hor leh uu ka soo dhex baxo.

Madaxweynaha iyo Raisul wasaraha ayaa isku khilaafay arrimo la xiriira amniga iyo sida loo wajahayo, faragelin xafiiska raisul wasaaraha uu ku hayo wasiirka dastuurka Faarax Cabdulqaadir oo doonayay in hantida umada uu lunsado.

Raisul wasaare Cabdiwali ayaa waxaa la sheegayaa inuu doonayo in uu ka guuro madaxtooyada oo uu haatan deegaan iyo xafiisba ku dhex leeyahay, isagoo doonaya in uu madax banaanaado oo uu howshiisa u fushado si gooni ah.

Raisul wasaare Cabdiwali ayaa la soo sheegayaa in uu si toos ah u diiday amaro ka soo baxay wasiirka Dastuurka Faarax Cabdulqaadir, waxaa la leeyahay raisul wasaaraha ayaa Faarax uga dacwooday madaxweynaha marar badan balse ma dhicin in wax laga qabto.

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa wuxuu arrinta Faarax Cabdulqaadir u gudbiyey safaarada Mareykanka oo Soomaaliya ka caawiyo howlaha stablisationka ama xasilinta, taasoo keentay in Faarax inta Nairobi loogu yeero halkaas lagu soo canaanto balse madaxweynaha ayaa arrintaas ka carooday.

Faarax Cabdulqaadir waa wasiirka ugu awooda badan dawlada, isagoo dhiilal iyo lacago badan oo sharci daro ah kula ganacsada horjoogaha Raaskambooni Axmed Madoobe iyo rag ka tirsa Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com