Daawo: Kulan Ballaaran Oo Laga Taageeray Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh Oo Ka Dhacay Xeryaha Qaxootiga Ee Dhadhaab

0

Xagardheere (AGGM) Kulan ballaaran oo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Khaatumo State Of Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa ay ka dhacday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay waxgarad, haween, dhalinyaro iyo bulshaweyn degan xeryaha qaxootiga, kuwaasoo u duceeyay maamulka cusub ee bulshaweynta Khaatumo ay yeesheen.

Guud ahaan dadkii halkaas ka hadalay ayaa waxa ay ugu baaqeen madaxweynaha cusub ee Khaatumo in uu bulshada deegaanada Sool iyo Sanaag Iyo Ceyrn ugu shaqeeyo si hufan si ay uga baxaan dhibaatada mudada dheer ay ku hayeen maamulada Hargeysa iyo Garoowe.

Halkaan Ka Daawo

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com