Sawir: Ciidamada AMISOM Oo Ka Baxaya Studium Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM) Taliska ciiidamada AMISOM ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay ka baxayaan garoonka weyn ee kubadda cagta Muqdisho Stadium.

Gabadha ku simaha ergeyga midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ah ee la yirahdo Lydia Wanyoto Mutende ayaa sheegtay in AMISOM ay go’aansatay in ay ka baxdo garoonka Stadium Muqdisho.

Dhulkaas ayaa waxa ay sheegtay inay ku wareejinayaan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

AMISOM ayaa waxaa sidoo kale ay agab ciyaareed ay ku wareejiyeen  wasaaradda dhalinyarada iyo sportiga ee Soomaaliya.

AMISOM waxa ay deganayd Studium Muqdisho tan iyo sanadkii 2011 markaas oo ay kala wareegeen Alshabaab oo horey u sii deganaa.

STUDIUM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com