BAAQ: Madaxweyne Xasan Iyo R/wasaare Cabdiwali Fadlan Waad Fashilanteen Ee Ummada Runta U Sheega Ama Qancinta Shisheeyaha Dalka Ha Ugu Horseedina Dagaalo Sookeeye Ee Iscasila.

0

Mudane Madaxweyne Xasan iyo Mudane R/wasaare Cabdiwali Waxaa xaqiiqo marag ma doonta ah in aad ku fashilanteen Hogaanka, Siyaasada iyo dhan walba uu dalkan baahi ka qabay, Hadaba soo ma haboona inaydnaan dalka iyo dadka u horseedin dagaalo sokeeye ee aad Iscasishaan si dalka iyo dadka looga bad baadiyo colaadaha iyo cadowgan iska maamulanaya.

Mise arrinkiinu Mudane Madaxweynaha Iyo Mudane R/wasaare waa (Cadyahow Ku Cunnay Ama Ku Ciideeynay) oo hadaad fashilanteen waxaad doonaysaan in beri cida badalaysa in aysanba u imaan haykal dowladdnimo oo ay wax walbaa Sakxada ugu hooseeysaa ka soo bilaabaan?

Bilaa calaykum Madaxweyne Iyo R/wasaare Ummada Soomaaliyeed waa ay daalan tahay xiisana umma qabaan dagaalo sokeeye oo hor leh, adinkana xal Ummadan daalan Ummaad haysaane ka hor dhaqaaqa ugu yaraan waa intaasoo ay helaan wax idin dhaama’e, shaqsiyan anigu waan hubaa inay helayaan wax idin dhaama saa saaka Ummadi Soomaaliyeed Durbaba hadii ay leeyihiin “Alloow Sheekh Shariif Sheekh Axmedoow Kor Kaa Yeell” iyo “Sheekh Shariif waxuu ahaa , Nabadoon Soomaaliyeed Madaxweyne Kaliya Ma Ahayn” soo hubaal ma,ahan inay helayaan wax idin dhaama?

Waxaa kaloo xaqiiqa ah Madaxweyne iyo R/wasaare in dalkeena la heysto oo sidii la doono nalaga yeelo (Gumeysi Qurxan) ugu yaraan soo ma qumana inaad adinka Ummada Soomaaliyeed runta u sheegtaan oo aad dhahdaan war Anaga waxba gacan nooguma jiraane Dalkiina u tashta intii uu gacanteena ku dhiman lahaa oo uu cadowga dadkan iyo dalkan anaga nagu kiin dili lahaa? “CALAN KALIYA OO MEEL KALUSHAA XORNIMO LAMA YIRAAHDO”, GUMEYSIGU WAXUU KU FADHIYAA DHAQAALAHA, WAXUU KU FADHIYAA MABAADIDA MARKII LAGAA DILO,WAXUU KU FADHIYAA MARKII QOWMIYADA LAGAA DILO,WAXUU KU FADHIYAA MARKII MINDI LEEYSUGU KAA DHIIBO OO LEYSKU KAA DIRO.Waxaa sidaa yiri (Allaha U Naxariito’e Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare)

Ugu dambeyn Madaxweyne iyo R/wasaare waxaan Allaah Sibxaanahu Watacaalaa ka rajeenayaa in uu qalbigiina galiyo mas’uuliyada xilka ama Kursiga aad ku fadhidaan inuu yahay wax mudo kooban ah oo aydnaan abid joogeen balse (Magaca Iyo Musiibaba Maalin Bay Baxaan) ummadana mindiyo ha isugu dhiibina waxaad fasheen fashe ee bal isdaba qabta oo ha noqonina kuwo loo adeegsado oo saxiixa iibinta dalkooda iyo isku leeynta dadkooda , Ummada Soomaaliyeed-na ama TV, Radio, Kulamo qarsoodi ah ugu sheega In Dalkan gacantiina uu ku jirin oo nala haysto, oo ugu sheega qaab walba oo idiin suuragala ah, haddii aydnaan yeeli karina ISCASILA, haddiise aad soo taagnaataan oo aydnaan yeelin talooyinka Muwaadiniinta u diirnaxaysa dadka iyo dalka ogaada baalka aad doorateen ayaa taariikhda Soomaaliyeed laydiinka qorayaa kaa oo ah (BAALKA MADOOW) ee Qaaimul Wadanka.

Maxamed Guuleed Jaamac
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com