Xog: Siyaasi Maxamed Cumar Cali “Qorshaha Cusub Ee Xukuumada Cabdiwali Sheekh Waa In Mareexaan Iyo Hawiye Taangiga AMISOM Lagu Laayo”.

0

Muqdisho, AGGM: Maxamed Cumar Cali oo kamid ah siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay isagoo u waramayay Warbaahinta Allgalgaduud Media in qorshaha cusub ee xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh uu yahay in beelaha Mareexaan iyo Hawiye lagu laayo Taangiga AMISOM.

Siyaasi Maxamed Cumar ayaa waxa kale oo uu sheegay qorshahan cusub in uu yahay mid ay u soo meeriyeen Mas’uuliyiin ka tirsan mid kamid ah dowladdaha deriska la ah Soomaaliya balse uu ahaym mid Maskaxda R/wasaaraha ka yimid.

“Walaaloow waxa socdaa waa aarsi qaawan oo ay wado dowlad kamid ah dowladdaha deriska la ah Soomaaliya weerarna waxaa lagu yahay waa labo beelood oo kaliya (Mareexaan Iyo Hawiye) inta kale waa hore ayay isu dhiibeen dowlddaas deriska nala ah,, warkayga inuu xaqiiqo yahayna waxaad ku garanysaa waxa hadda Muqdisho ka dhacaya ee lagu tilmaamay hub ka dhigista, waxaa horey loogu dayay beesha Mareexaan waana ay diideen, balse lama deeyn hadaa loo soo socda intaan la gaarin shirka Kismaayo weerarka Muqdisho-na waa mid loogu dhabo xaaranayo in weerar lagu qaado Ciidamada Goobweeyn”.

Maxamed Cumar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay “bal si wanaagsan u eega Xukuumada Cabdiwali Sheekh Axmed waxa ay leedahay siyaasiyiinta beesha Mareexaan iyo Hawiye Hubka ayaan ka dhigeynaa halka Ay dekeda magaalada Kismaayo-na ay hub uga dajinayso Xukuumadiisa maleeshiyada Raaskambooni iyo Axmed Madoobe oo la wada ogsoon yahay inay Al Shabaab ka tirsan yihiin, waxaan waa qorshe lagu beegsanayo beelaha Mareexaan Iyo Hawiye, Madaxda Dowladda Soomaaliyana waa adeegayaal aan waxba maya oran karin ee dagaalkan waxa ku wada labadaas Beelood waa dowladda deriska la ah Soomaaliya oo saraakiishoodi  ay dhex jiifaan Xaruntii Villa Somalia oo halkaas ayay dalkeena ka hogaaminayaan”.

“R/wasaare Cabdiwali Sheekh waxa uu hilmaamay maah maahdi ahayd (Dhulka Ma Dhamaado Ee Xaaqinka Ayaa Dhamaanaya) anoo taas ulla jeeda in dalkan uu yaha dal Soomaaliyeed si walba oo dadka loo laayo ama loo barakiciyana aysan ka dhamaaneen balse ay noqon doonto uun waxa ay Xukuumadiisu geysato wax taariikhda gala oo laga sheekeeyo”.

Ugu Dambeynti Siyaasi Maxamed Cumar Cali ayaa waxa uu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin dhabaha foosha xun ee ay Qaaday Xukuumada Cabdiwali Sheekh Axmed dadkuna uu xoolo ahayn oo ay wax kala garanayaan “Horay ayaan u diidnay waxa uu wado Cabdiwali Sheekh Axmed, maantana ma qaadan doono balse dhiig badan ayaa ku daadanaya qorshahan guracan ee lagu doonayo in beelaha qaarna lagu hubeeyo qaarna hubka looga dhigayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com