Dhageyso+Daawo:Xildhibaano Gaaray Garoowe” Waanu Ajiibnay codsigii madaxweynaha Puntland” Iyo Gaas Oo Wadatashi La Leh

0

Garoowe(AGGM)  Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe ku qaabilay dufcadii ugu damsay ee xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray magaaladaas.

Madaxweynaha oo kula kulmay xildhibaannadan oo ka soo jeeda Puntland ayaa sheegay inay xildhibaanada kala tashan doonaan qaabka ugu haboon ee loo wajahayo khilaafka u dhaxeeya Garoowe iyo Federaalka.

Puntland waxay dhaliishay maamul ay dawlada dabada ka riixayso oo la sheegay in loo dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ilaa 6da Mudane oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen inay soo ajiibeen codsigii madaxweynaha Puntland uu u soo diray si ay wadatashi ula yeeshaan puntland.

Halkaan Ka Daawo, Dhageyso, Kana Daalaco Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

 

g1 g2 g3 g4 g5 g6 g7 g8 g9 g10 g11 g12

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com