Warbixinta Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay.

0

Mogadishu, 16 August 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow oo maanta Muqdisho kula hadlayey warbaahinta ayaa siiyey warbixinta horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, booqashadii ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM, booqashadii Wasiirka Denmark, Dhismaha Wasaaradda Dhalinyarada oo xariga laga jaray, booqashadii taariikhiga aheyd ee Golaha Ammaanka ee QM ee Muqdisho, Wadatashiyo ay Dowladda iyo Guddiga Farsamada ka wadaan Baydhabo, Qorshaha Xasilinta Muqdisho iyo Qiimeyn lagu sameynayo waxqabadka wasaaradaha Dowladda.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku bilaabay booqashadii Ku-Xigeenka XG ee QM “Mr Peter Drennan oo ah Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Muqdisho soo gaaray 12kii August 2014 oo uu kulamo la qaatay Madaxda Dalka, isla markaana u kuurgalayey xaalada Dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo kulan la qaatay ayaa waxay ka wada hadleen wada shaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, xaaladda ammaanka ee dalka iyo taageerada Qaramada Midoobay ay u fidiso Soomaaliya. Mudane Peter Drennan ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya horumarka ay ku tallaabsatay labaddii sano ee la soo dhaafay isaga oo cadeeyey in Qaramadda Midoobay ay diyaar u tahay xoojinta caawinaadda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ammaanka dalka. Madaxweynaha ayaa xusay xaaladda abaaraha iyo cunta yarida soo food saartay qeybo ka mid ah Soomaaliya iyo sida loogu baahanyahay in caalamku uu ugu soo gurmado dadka tabaaleysan.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey booqashadii Wasiirka Denmark ayaa yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul wasaaraha Abdiweli Sheikh Ahmed ayaa 12kii August Muqdisho kula kulmay Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Mr Mogens Jensen, ayigoo ka wada hadlay horumarinta xoojinta xiriirka labada dal , arrimaha ammaanka , danaha wadaagga ah iyo taageeridda hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Abdirahman Dualeh Beileh iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Denmark H.E. Mogens Jensen ayaa shir-jaraa’id ay wada qabteen ku sheegey in labada dal ay ka wada hadleen horumarinta, dib u dhiska dalka , taageeridda hey’adaha dowladda iyo u gogol xaaridda shir lagu qaban doono bisha November magaalada Copenhagen ee dalka Denmark. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo iyadoo beesha caalamka iyo Dowladdu ay uga tashan doonaan qorshaha hiigsiga 2016 iyo sidii loo dhameystiri lahaa dib u eegista dastuurka, dhaqangelinta Federaalka iyo sidii doorashooyin loo hirgelin lahaa 2016ka. Wasiir Mogens Jensen, ayaa sheegay in imaanshihiisa Muqdisho uu yahay tusaale cad oo la xiriirta taageerada siyaasadeed ee dowladiisu u heyso dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu la dhacsan yahay isbadalada iyo horumarada dowladdu sameyeyso.”

Wasiika Warfaafinta oo ka hadlayey xarig ka jaridii dhismaha Wasaarada Dhalinyarada & Cayaaraha ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa 12kii August xariga ka jaray dhismaha Wasaarada Dhalinyarada & Cayaaraha oo dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyey, isla markaana ka qeybgalay xuska Maalinta Dhalinyarada Caalamka. Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khaalid Cumar Cali ayaa xusay muhiimadda dhalinyarada sheegeyna in xafiisyadan la dayactiray loogu adeegi doono dhalinyarada. Ra’iisal Wasaare Cabdiwali ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay bog dahabi ah kaga jirto taariikhda iyo halganka gobonimadoonka Soomaaliya oo Ahmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo SYL oo ahaa dhalinyaro naftooda u horay jiritaanka Soomaaliya. Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay si firfircoon uga qaybgalaan dadaalada lagu sugayo ammaanka dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballanqaaday in Xukuumaddaydu ay samaynayso qorshe ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku helayaan, Iskuullo, waxbarasho tayo leh, xarumo Isboorti iyo mustaqbal ifaya. Waxaynu dhisaynaa asaaskii dalkeenna, waana in dhalinyaradeena ay ku noolaadaan farxad iyo wanaag, lagana ilaaliayaa faqriga, jahalka, xagjirnada iyo rabshadaha.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey booqashadii taariikhiga aheyd ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa yiri “13kii August 2014 booqashadii xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxey aheyd mid taariikhi ah oo ay ugu kuurgalayeen xaaladda dalka, isla markaana ay muujinayeen taageerada Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxey aheyd markii ugu horreysey taariikhda oo dhammaan 15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ay yimaadaan Soomaaliya. Waxaa wafdigan si wadajir ah u wada hoggaaminayey Safiirka UK ee QM Mark Lyall Grant iyo Saffiirka Nigeria Usman Sarki. Wafdigan ayaa sheegay inay u yimaadeen inay Dowladda Soomaaliya tusaan taageeradooda isla markaana ku qanacsanyihiin horumarka siyaasadda iyo amniga ee dalka. Dowladda Federaalka ayaa lagu ammaanay horumarka amniga, iyo dhaqangelinta federaalka. Waxaana labada dhinacba ay isla garteen muhiimadda qorshaha hirgelinta hiigsiga 2016 si dalka loogu diyaariyo inay doorashooyin xor ah ka dhacaan, iyo in la dar-dargeliyo qorshaha sharuucda doorashooyinka iyo sameynta guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka oo muhiim u ah in doorashooyin ay dalka ka dhacaan 2016. Dowladda Federaalku waa ay ka go’antahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin oo loo dhameystiri lahaa dhammaan qorshooyinka dowladda.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey wadatashiga ay Dowladda iyo guddiga farsamada ka wadaan Baydhabo ayaa yiri “Guddigii farsamada ee loo xilsaaray soo sameynta qorshihii lagu hirgelin lahaa in Maamul Goboleedka KMG ah ee Koofur Galbeed oo ka kooban gobollada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa gaaray Baydhabo si ay halkaas wadatashi ula sameeyaan bulshada deegaannada Koofur Galbeed. Guddigan ayaa waxaa la socday Wasiir Ku xigeenka Amniga Qaranka Mudane Ibrahim Yarow si loo xaqiijiyo in maamulka KMG ah uu noqdo mid ay dowladdu hoggaamineyso isla markaasna waafaqsan dastuurka. Guddigan ayaa kulammo la yeelanayey maalmaihii la soo dhaafay Madax dhaqameedyada iyo dhammaan qeybaha bulshada iyo maamulka gobolka Bay. Guddigan ayaa diyaarinaya sidii shirweyne loo qaban lahaa oo dhammaan dadka deegaanka ay uga soo qeybgali lahaayeen si ay aayahooda uga tashadaan. Sidoo kale waxaa la filayaa wafdi heer wasiiro ah inay dhowaan gaari doonaan Baydhabo si loo dar-dargeliyo qorshaha dhaqangelinta Federaalka oo ay dowladdu horumar ballaaran ka sameyneysey usbuucyadii la soo dhaafay, tanoo ku saleysan rabitaanka shacabka deegaanka. Dhaqangelinta Federaalka ayaa ah tiirarka ugu muhiimsan ee la doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorashooyin xor ah sanadka 2016ka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka Qorshaha Xasilinta Muqdisho ayaa yiri “Hay’adaha amniga oo beryahan waday qorshihii xasilinta Muqdisho ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan dad looga shakisan yahay kooxaha Al-Shabaab oo magaalada Muqdisho ka waday falal argagaxiso ah. Sidoo kale baaritaano lagu sameeyey guryaha iyo gaadiidka ayaa lagu soo qabtay hub fara badan, tanoo keentay in caasimada ay noqoto goob amni ah oo rajadii shacabka ay soo noqotay. Dadaaladan ayaa waxey qeyb ka yihiin Qorshaha Xasilinta Dalka oo hay’adaha amniga ay in muddo ah wadeen. Ujeedada howlgalada Muqdisho ee lagu xaqiijinayo amniga ayaa ah in shacabka ay helaan fursad ay nolol maalmeedkooda ku qabsadaan. Waxaan si gaar ah u ammaanayaa doorka shacabka oo runtii si hagar la’aan ah ula shaqeeyey hay’adaha amniga oo warbixinadooda keentay in howlgaladu ay noqdaan kuwo lagu guuleysto. Waxaana ugu baaqayaa shacabka inay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan hay’adaha amniga si dalka aan u wada gaarsiino horumar ballaaran.”

Wasiirka Warfaafinta oo ugu danbeyntii ka hadlayey qiimeynta lagu sameynayo waxqabadka wasaaradaha ayaa yiri “Guddiga dib u eegista qorshe howleedka Wasaaradaha lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa 13kii August ka warbixiyey halka uu marayo dib u eegista wax qabadka wasaaradaha. Gudigaan oo uu hogaaminayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay warbixino ku aadan waxa ka qabsoomay qorshe howleedkii lixbiloodka ay soo gudbiyeen Wasaaraduhu ka dhagaysanayey. Guddigan ayaa bilaabay inay wasaarad walba ka dhageystaan warbixintii ay soo gudbiyeen isla markaana ay su’aalo ku weydiinayeen si loo qiimeeyo waxqabadka oo dhowaan la filayo in abaalmarin la siin doono wasaaradaha waxqabadkoodu muuqdo. Talaabadan ayaa ah mid isla xisaabtan iyo nidaam fur-furnaan ah keeneysa oo kor u sii qaadeysa waxqabadka Xukuumadda. Halkudhaga sanadkan 2014 ayaa ahaa waxqabad iyo fulin.”

DHAMAAD –

Wasaaradda Warfaafinta & Hannuunita Dadweynaha –media@moi.gov.so

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com