Wararkii ugu dambeeyay arin lama filaan ah oo ay la kulmeen shacabka Marka

0

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Marka kusoo badanaayay falalka amni darada ah, waxaana jirta xaafad ka mid ah magaaladaasi oo dhibaato ay ka dhacaysay.

Xaafadda Ruusiya oo hadda u muuqata xaafadda dhibaatada ugu badan ay ka dhacdo ayaa waxaa xalay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen howlgalo aad u xoogan.

Ilaa Lix qof ayaa la sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala baxeen masjid ku  yaala xaafadaasi, ka dib markii ciidamada AMISOM lagu weeraray Bambooyin.

Xaaladda magaalada ayaa maalmahaan dambe ka duwaneed sidii hore, waxaana magaalada habeen iyo maalin ka dhaca falal amaanka ka hor imaanaaya.