Sir Fakatay: Weerarka Siyaasiyiinta Muqdisho Waxuu Dhabo Xaarasho U Yahay Weeraro Kale Oo Lala Damacsan Yahay Ciidamada Goobweyn.

0

Muqdisho, AGGM: Ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan magaalada Muqdisho oo si hoose ugu waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegeen in qorshaha weerarka siyaasiyiinta magaalada Muqdisho uu yahay dhabo xaarasho weerar lala damacsan yahay ciidamada Goobweyn.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyadeenan kala duwan ee ku sugan magaalada Muqdisho ee sida aadka ahna ugu dhuun daloola dhaq dhaqaaqayada ka socda xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxa ay inoo xaqiijinayaan in qorshaha dagsan uu yahay kadib weerarada Siyaasiyiinta magaalada Muqdisho in afka la saaro oo weerar lagu qaado ciidamada fariisimaha ku leh Goobweeyn iyo hareeraha magaalada Kismaayo.

Ilo wareedyadeenan oo aan ka gaabsanayno magacyadooda xaalada Ammaankooda awgeed ayaa waxa ay kale oo ay sheegeen in qorshahan Madaxda Dowladda Soomaaliya uu u soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan saraakiisha dowlad kamid ah dowladdaha deriska la ah Soomaaliya iyadoo ujeedka ugu weeyn ee laga leeyahayna uu yahay inuusan qabsoomi shirka Dib u Heshiisiinta beelaha daga gobolada Jubbooyinka.

Dowladdan deriska la ah Soomaaliya ayaa waxa ay faragalin ba’an ku haysaa siyaasada Soomaaliya mana ay jiraan Madax ku dhacda amaba leh karti ay ku yiraahdaan faraha kala baxa arrimaha gudaha dalka Soomaaliya, dowladdan ayaa waxay qeyb wayn ka qaadataa bur burinta jiritaanka iyo xornimada Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo qorshahan guracan ee Dowladda Deriska nala ah ay usoo dhiibtay Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu yahay mid horseedi kara in dalka uu dib ugu laabto in ay ka qarxaan dagaalo sokeeye waana inta ay donayso Dowladdan deriska nala ah oo caqabad weyn ku noqotay in Dalka Soomaaliya uu qaado talaabo isbadal dhan walba ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com