Sawiro: Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Lagu So Dhaweeyay Caasimada Gobolka Gedo.

0

Garbahaarey, AGGM: Munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweynayo wafti uu hogaaminaya Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa maanta galinkii danbe waxaa lagu qabtay ,howlka dhismaha Shirkada Nationlink ee dagmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo,

Munaasabadaan oo ay ka soo qayb galeeqeybaha kala duwan ee bulshada sida culuma udiinka,odayaasha dhaqanka.ururada dhalinyarada iyo haweenka ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyay wafuuda uu horkacayo Ugaas Maxamed Ugaas Cumar.

Waxaana munaasabada intii ay soctay qudbado ka jeediyay dhamaan qeybihii kala duwanaa ee madasha ku sugnaa, ugu horey waxaa goobta ka hadlay Suldaan Mahad Macalin Cismaan oo ka mid ah saladiinta gobalka gedo, isagoo wafdiga warbixin kooban ka siiyay xaalada iyo marxalada uu gobalka maraya, sida in ay jiraan abaaro iyo biyo la,aan baahsan dhamaan deegaanada gobalka .

Nabdoonka ayaa xusay in abaarta gobalka ka jirto ay sababtay dhimashada dunyo aad u fara badan iyo waliba in meelaha qaar laga soo sheegayo in biyo,laa,an jirta awadeed ay u geeriyoodeen ilaa laba ruux oo reer miyi ah,nawaaxiga dagmada luuq ee waqooyiga gobalka gedo.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay nabdoon buraale jaamac deer oo ku hadlayay magaca golaha guurtida ee soo dhaweneysay waftiga ugaas ayaa kulanka ka sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin hogaanka dhaqanka ee soo gaaray magaala madaxda gobalka Gedo ee Garbahaarey, islamarkaana ay rajeynayaan in imaanshahooda uu wax ka badali doono xaalada abaarta iyo khilaafyada ka dhex jiro beelaha gobalka ku suagan ee u baahan in la xaliyo.

Dhinaca kale Faaduma Nuura Sheekh Daahir oo iyadu ah kusumaga gudoomiyaha ururka haweenka garbaharey oo iyana ku hadashay magaca haweenka ayaa sheegatay in ay aad ug faraxsan yihiiin imaanshaha waftiga uu hokacayo ugaas maxamed ugaas cumar,iyadoona xusatay in loo baahan yahay in dhaqanka ay gacan bir ah ku qabtaan guud ahaan
gobalka.

Ugu danbeyntii Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo madasha kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay shacabka iyo qeybaha kala duwan ee ku dhaqanka magaalo madaxda Garbahaarey ,sida wacan ee ay ugu soo dhaweeyeen xaruntii gobalka,waxaana uu ka codsaday in la sameeyo isku xirnaan dhinacyo kala duwan ah ,oo dhaxmarto bulshada ku nool Gobalka.

5

IMG_0086 4 4_1 3 2 2_1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com