Saraakiil la saftay nin Xasan Sh ay isku kacsan yihiin oo XILALKA laga qaaday!!

0

Warar la isku haleyn karo ayaa sheegaya in wasaaradda gaashandhigga xukuumadda Soomaaliya ay xil ka qaadis ku sameysay saraakiisha iyo taliyaasha ciidamada ee gobalada Baay iyo Bakool.

Sarkaal diidday magaciisa oo ku sugan deeganka Goofguduud ee gobalka Baay ayaa warbaahinta u sheegay in wafdi ka socda dowladda ay ku sugan yihiin Baydhabo, kuwaasoo ah xaqiiqo raadin.

Wuxuu sheegay in saraakiishii ciidamada ee gobalada Baay iyo Bakool shaqada laga ruqseeyay kuwa kalena darajooyinkii hoos looga dhigay.

“Anniga farumaha dagaalka ayaan ku jiraa oo xog ogaal uma ihi sidda ay wax u dhaceyn balse waxaa naloo sheegay in saraakiisha ciidamada ee Baay iyo Bakool shaqada laga qaaday sidoo kalena darajooyinka ay lahaayeen laga qaaday” ayuu yiri sarkaalkaas.

Mar la weydiiyay sababta looga qaaday xilalka wuxuu tilmaamay in saraakiisha xilalka laga qaaday ay la safteyn maamulka lixda gobal ee Madoobe Nuunow Maxamed uu madaxweynaha ka yahay. Madoobe Nuunow, ayaa waxay aad isugu kacsan yihiin Xasan Sheekh, kadib markii uu diiday maamulka 3-da gobol ee Villa Somaia lagu soo dhisay.

Wuxuu tilmaamay in qaar ka mid ah saraakiisha laga dhigay darajooda dable ama kabtan iyagoo kalkii hore ahaa korneelo ama jeneraal sidda uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu sarkaalkan ka dhawaajiyay in uu diyaar la yahay xil kasta loo loo dhiibo balse isaga ay la weyn tahay dagaalka lagula jirro Al-Shabaab sidda uu hadalka u dhigay.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin xil ka qaadis lagu sameeyay saraakiisha ciidamada ee Baay iyo Bakool.